U Gaar Dumarka: Arimo Keeni Kara In Gacaliyaaga Uu Ka Fogaado Ee Ka Foojignoow

Filed under: Arimaha Qoyska |

Qubarada arimaha qoyska ee Puntlandtimes.com  ayaa warbixintaan ku soo koobaya dhowr arimood oo gabaryaheey kaa fogeyn kara ragga kana yeelaya kuwo ka cararaya.

1- Midda Codsiga Badan : waan ka xumahay , ninka kuu imaanaya xilliga aad doonto , una dhaqmaya sida aad filaneyso in uu u dhaqmo … ninka noocaas xilligaan ma jiro laga yaabaa in duni kale uu ku nool yahay , dalabyadaada ha ahaadaan kuwo ku saleysan caqli iyo waqti .

2- Waa Ay Adag Tahay In La Qanciyo : waxaad dooneysaa nin gacaliyahaaga lahaado tilmaamahaan ,ninka hantida leh , fur furan qosol abuurka ah , wax fahmaya , deggan , Romansi ah , wanaagsan , noocii riyada ah , caqliga badan , lamaba la helayo noocan xittaa filimaanta kuma arkeysid nin tilmaamahas leh

3- Midda Cadowtooyada Badan : waa mid leh tilmaamo xun oo ma laha dareen naxariis ah waana midda dadka dhan ku qasbeysa in ay ka cararaan kaliya ragga ma aha , ee noqo noole jilicsan naxriis leh

4- Midda Leh Xishoodka Ka Bad-badiska ah : haka bad badin xishoodka , haka cararin in aad la hadasho oo ha aamusnaan marka aad wada kulantaan .

5-Midda Jecel In Ay Waxa U Maamusho Qaab La Hayste Ah : haddii ra`yigaaga aad ku qasabto asxaabtaada gabdhaha ah ayna u nugul yihiin in ay aqbalaan Puntlandtimes.com waxa ay ku leedahay ha filan in aad hesho nin taasi kuu saamaxaya.

One Response to U Gaar Dumarka: Arimo Keeni Kara In Gacaliyaaga Uu Ka Fogaado Ee Ka Foojignoow

  1. msha allh thnx bahda puntland times sida kuwda soona wda barnaamijka wxd kaloo kusoo dartaan arimha galmada iyo qaabka ugu wngsan ay qoysku ku heshiiiin karaan

    ciise aadan gelle
    April 2, 2017 at 9:35 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *