Man United Oo Kullan Sharafeed U Qabaneysa Carrick ,Xiddigo Hore United Ah Iyo Kuwo Kale Ayaa Iska Hor Imaanaya

Filed under: Ciyaaro |

Man Unted ayaa shaaca ka qaaday in 4-ta bisha June ay kullan maamuuseed ay u sameenayaan qadkooda dhexe Carrick

Sida wrageyska Mirror sheegayo United ayaa go`aansatay in ay maamusaan laacibkaas maadaama 11 sano uu ku qaatay qalcadda Old Trafford

Waxa ay sheegeen in xiddigo kala duwan ay ka qeyb galayaan kulankaas lagu maamusayo Carrick.

Kulankas ayaa dhex maraya xiddigii hore United ee sanadkii 2008-da iyo koox xiddigo kale duwan ka kooban iyadoo xiddigaha United ee 2008-dii ay noqonayaan kuwii kooxda la qaaday horyaalka iyo Champion-ka

Waxa ay kooxda~.com soo xiganeysaa in kulankaas dhanka xiddigaha kale ee United ka hor tagaya in ay ku jirayaan Gerrard , Lampard ,Owen halka Carrick-na uu kooxdaas la safanayo
Dhanka United waxaa ka qeyb galaya Edwin van der Sar ,Gary Neville,Rio Ferdianna ,Scholes , iyo Giggs

Carrick ayaa la xusyaa in kooxdaas uu u saftay 443 kullan halka uu u dhaliyay 24 gool tan iyo sandkii 2006-dii ,waxa uu la qaaday 5 koob horyaalka ah ,laba League Cup-ka iyo hal jeer FA Cup-ka ,hal jeer Champion-ka ,kan naadiyada hal jeer ah iyo 6 jeer FA Community Shield ah

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *