AKHRIS XASAASI AH: Maxaa ku qornaa Heshiis ay shalay kala saxiixdeen Imaaraatka Carabta & Somaliland?

Filed under: Falaanqeyn,Wararka Dalka,Wararka Maanta |

DUBIA(P-TIMES)- Dawladda Imaaraatka Carabta & Madaxda Maamulka Somaliland ayaa kala saxiixday heshiis dhameystiran oo la xariira arrimaha Iskaashiga labada dhinac oo ay ka mid yihiin Saldhigyo Milateri oo laga hirgalinayo magaalada Berbera ee Somaliland.

Wasiirka Arrimaha dibada ee Somaliland Sacad Cali Shire ayaa qalinka ku duugay Heshiiskan, halka dhinaca Imaaraatka Carabtana uu saxiixay Maxamed Al Zuweydi oo wakiil ka ah Wasaaradda Arrimaha dibada ee dalkaas.

Imaaraatka & Somaliland heshiiskooda waxaa ka muuqda mashaariic waa weyn oo laga hirgalinayo Somaliland, taas oo haddii ay fusho noqonaysa arrin horumarka qeyb ka qaadanaysa.

Nuxurka qodobada ugu waa weyn waxay ahaayeen.

1-Somaliland waxay ogolaanho siisay in Ciidamada Dowladda Imaaraadku adeegsadaan Garoonka diyaaradaha ee Berbera.

2- In Imaaraadka Garoon diyaaradeed ka dhiso Berbera, kaasi oo ay isticmaali doonaan diyaaradaha rakaabka.

3- Dhismaha Jidka isku xira Berbera iyo Togwajaale oo dheerarkiisu yahay 250km ayaa ka mid ah mashaariicda la fulin doono.

-Fulinta Mashaariic kale oo la xiriiraan Biyaha, Tamarta , Caafimaadka iyo waxbarashada. dhamaan mashaariicdaasi waxaa lagu fulin doonaa Saddexda sano ee soo socota.

4-Dowladda Imaaraadku waxay suuqyadeeda shaqo u furi doontaa muwaadinniinta Somaliland.

5-Dowladdu Imaaraadku waxay taageeri doontaa shirkadaha maalgashiga imaaradku inay maalgashtaan Somaliland

6- Imaaraadka iyo Somaliland waxay iska kaashan doonaan dhinaca Ammniga.

7- Iskaashiga Imaaraatka Carabta Midoobey & Somaliland wuxuu dhabaha u xaarayaa iskaashiyo noocan ah oo dhexmara Somaliland iyo dalalka Caalamka.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *