Arimaha Ragga : Ninyahoow Arimahaan Qalbiga Haweenka Ayay Dhaawacaan Ee Ka Fogoow

Filed under: Arimaha Qoyska |

In aad Nacdo Ehelkeeda : in aad wax ka sheegto qoyskeykeeda taasi aad ayay u dileysaa dareemaheeda, waana ay adag tahay in ay si sahal ah u iloowdo waayo qoyskeeda waxa uu u yahay muqadas .

In Aad Uga Janjeersato Waalidkaada : si waliba oo uu yahay ixtiraamka aad waalidkaada u hayso hadana go`aanada qoyskaada ee gaarka ah waxaa xaq u leh adiga iyo xaaskaada .

In aad ku jeesto jeesto muuqaalkeeda idinka oo horjooga dad hortooda : tani aad ayay u dhibeysaa waxa ayna ka qaadeysaa cuqdad nafsi gaar ahaan haddii arinkaas uu la xariiro dhanka culeyskeeda waana adag tahay in ay iloowdo arintaas .

In aad la bar-bar dhigto haween kale ” ninyahoow aan xariifka aheyn waxa ay Puntlandtimes.comku leedahay waligaa sidaas ha sameyn haddii ay dhacdana yeesan u janjeerin dhanka haweenka kale .

* In aadan ihtimaam siin , haweenka badankooda waxa ay ka helaan xafladaha bulshada waxa ayna dooneysaa in ay kugu faanto ee u raac munsaabadahaas xageeda ku weyn

One Response to Arimaha Ragga : Ninyahoow Arimahaan Qalbiga Haweenka Ayay Dhaawacaan Ee Ka Fogoow

  1. waa dhiirigalin wngsn qfki caqli leh ba fahmaya

    ahmed xusein ahmed
    March 10, 2017 at 10:59 am
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *