BADNEWS:- Al-Shabaab Oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay Oday 82 Sano Jir Ah Oo Ay Sheegeen In Uu Ka Mid Ahaa Ergadii Soo Dooratay Xildhibaan “MUNO KEY”

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

AWDHEEGLE(P-TIMES)-Maxkamad Xarakada Al-shaabab oo kutaal degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa galabta xukun dil ah ku Fuliyay mid kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee soo xulay qaar katirsan Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaliya.

Fagaare kuyaal Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa maanta gelinkii dambe lagu toogtay Cusmaan Diini Cali oo 82 sana jir ahaa islamarkaana kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee xildhibaanada kasoo xulay dhanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ’ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

“Cusmaan Diini Cali waxa uu kamid ahaa ragii soo xulay Xildhibaano ay kamid tahay haweenay magaceeda lagus oo gaabiyay Muno key oo kamid ah baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaliya islamarkaana uu maxkamadda horteeda ka qirtay in uu kamid ahaa odayaashii Maamulka Shariif Xasan Shiikh aadan ee Baydhabo kusoo xulay Xildhibaanada”, sidaa waxaa yiri qaadiga Maxkamadda Al-shabaab degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaar kamid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay lagu hayay beegsi, waxaa bishii Februay aynu kasoo gudubnay la dilay 8-nabadoon.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

2 Responses to BADNEWS:- Al-Shabaab Oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay Oday 82 Sano Jir Ah Oo Ay Sheegeen In Uu Ka Mid Ahaa Ergadii Soo Dooratay Xildhibaan “MUNO KEY”

  1. llaahay wuu aargoosan doonaa subxaanuu watacaa haduusan aduunyada argudanin aakhiruu aar goosan, alshabaab awooda ay maanta ku faanayaan yaan laga waayin maalinta ilaahay maxkamadiisa la hortaagan yahay.

    fantaastig
    March 20, 2017 at 11:26 pm
    Reply

  2. llaahay wuu aargoosan doonaa subxaanuu watacaa haduusan aduunyada argudanin aakhiruu aar goosan, alshabaab awooda ay maanta ku faanayaan yaan laga waayin maalinta ilaahay maxkamadiisa la hortaagan yahay.

    in addoon ilaahay oo Muslim ah oo ashahaadanaya oo la iska dillo ayaa ilaahay agtiisa waxaa kala fudud aduunyada iyo waxa dul ah oo zuula allahu akbar.

    fantaastig
    March 20, 2017 at 11:31 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *