Chelsesa Oo Dooneysa Antonio Candreva

Filed under: Ciyaaro |

Tababare Conte ayaa si weyn ugu fikaraya in ay dalab ka geeyaan xiddiga kooxda Inter Milan ee Antonio Candreva

Wargeyska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in Chelsea go`aansadeen in dalab rasmi ah xagaagaan ka geeyaan 30 sano jirkaas reer Italy

Waxa ay Chelsea ka geynayaan laacibkaas dalab dhan 30 milyan oo euro, waxa ayna kooxdaas reer London laacibkaas damaaciyeen kala wareeggii kuleelaha ee bishii 1-aad ee sanadkaan
Laacibkaas qadka dhexe ayaa sidoo kale ku fiican ka ciyaaridda garabka waana mid doorasho wacan siineysa macalin Conte

Xagaagii 2016-ka ayuu Antonio Candreva ku biiray kooxda Inter Milan xiligaas oo uu 22milyan kaga soo wareegay kooxda Lazio ee isla horyaalka Italy

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *