DAAWASHO XASAASI AH: Jubbaland oo ka been sheegtay Safarkii M/weynaha Kenya ee Dhoobley shalay ku yimid

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

KISMAAYO(P-TIMES)- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa shalay soo gaaray ciidamadiisa kusugan gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana Jubbaland isagoo tagay Saldhigyada ciidamadaas oo uu mid mid u booqday.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa beeniyey in uu Madaxweynaha Kenya soo galay gudaha Soomaaliya, laakiin taas waxaa beeniyey muuqaal lasoo dhigay Barta gaarka ah ee Madaxtooyada Kenya.

Sidda ka muuqata muuqaalkan Madaxweynaha Kenya ayaa kasoo dagay diyaarad Milateri, isagoo booqday labo xerro oo ciidan, gaar ahaana goobta ugu weyn ee ay ciidamada Kenya ku leeyihiin Soomaaliya.

Mr, Uhuru wuxuu la kulmayaa Saraakiisha ciidamadiisa Kenya oo uu kala hadlay arrimaha dagaalada iyo amarro cusub oo lagu soo rogay, sida ay sheegayaan warar madax banaan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO


Jubbaland ayaa ku hor kuftay Xaqiiqada socdaalka Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata uu ku soo gaaray qeyb ka mid ah Soomaaliya oo aysan xataa waxba war ah u heynin, laakiin ay ka been sheegeen sida uu cadeeyey Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

Tanni waxay muujinaysaa in dalka Soomaaliya uu yahay baylah aan cidna maamulin oo ay saacad kasta iska soo gali karaan Madaxda dawladda ciidamadu ka joogaan iyo kuwa kale oo aan waxba dan ah ka laheyn Arrimaha Soomaaliya.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

 

One Response to DAAWASHO XASAASI AH: Jubbaland oo ka been sheegtay Safarkii M/weynaha Kenya ee Dhoobley shalay ku yimid

  1. Pl kuma jirto waa sugan yihiin xuduudahedu.

    Realpuntlander
    March 19, 2017 at 3:33 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *