DEG DEG: Kalfadhi Xasaasi ah oo ay yeelan lahaayeen Guddoonka & Baarlamaanka Soomaaliya oo qabsoomi waayay

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

MUQDISHO(P-TIMES)- Kalfadhi xasaasi ah oo ay yeelan lahaayeen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, loogana hadli lahaa faragalinta ay Guddoonka baarlamaankaas ku hayaan howlaha golaha Xukuumada ayaa qabsoomi waayay markii ay soo xaadiri waayeen baarlamaanka Soomaaliya.

Kalfadhigan ayaa xasaasi ahaan lahaa, waxaana su’aalo adag lagu wajihi lahaa guddoonka baarlamaanka Faderaalka, iyadoo ay Mudanayaasha badankoodu ka maqnaayeen.

Saxaafadda ayaa goor hore laga joojiyey ka qeybgalka shirkan, waxaana la sheegay in aan looga baahneyn kalfadhiga maanta, kaas oo xasaasi ahaan lahaa.

Waa kulankii u horeeyay ee kalfadhiga koowaad ee Baarlamaankan cusub oo kooram la’aan u baaqdo, iyadoo la xusuusto in Baarlamaankii hore uu kalfadhiyadiisa qaar ay hareeyeen kooram la’aan iyo Xildhibaanada oo aan soo xaadiri jirin badankood.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *