DEG DEG+DHAGEYSO: Madaxtooyada Muqdisho oo jawaab lama filaan ah ka heshay Maamulka GALMUDUG

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

CADAADO(P-TIMES) – Guddiga Doorashada Madaxweyne-nimada ee Galmudug ayaa iska diiday dalab uga yimid Madaxtooyada Soomaaliya, taas oo lasoo mariyey Xaafiiska Raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo lagu dalbanayey in 45 cisho dib loo dhigo doorashada Madaxweyne-nimada maamulkaas.

Gudoomiyaha guddigan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan marnaba khuseyn dawladda dhexe ee Faderaalka howlaha doorashada Galmudug, wuxuuna qiray in ay jiraan faragalimo siyaasadeed oo ay ku leedahay dawladdu doorashadan.

Guddiga ayuu sheegay in ay 25-ka bishan u qabteen Musharaxiinta tartamaysa, isla markaasna si rasmi ah ugu casumeen Beesha Caalamka & Dawladdaha daneeya Arrimaha Soomaaliya oo ay goobjooga ahaan doonaan.

Sidda muuqata waxaa meesha kasii baxaya damaca ay dawladda Faderaalka, gaar ahaana Madaxweyne Farmaajo & Wasiirkiisa koowaad ay ka leeyihiin Madaxtinimada Galmudug.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *