DHAGEYSI XASAASI AH: Puntland oo si deg deg ah uga hadashay Dhismaha Golaha Xukuumada Faderaalka ee Muqdisho

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

BOOSAASO(P-TIMES)- Xili mashquul fara badan uu ka jirro Madaxtooyada Soomaaliya oo ay madaxda dawladda Faderaalku isku mari la’ayihiin dhismaha golaha Xukuumada koowaad ee dawladda cusub ayaa Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland Eng, CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey wuxuu si adag uga hadlay dhismaha golahaas.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in looga baahan yahay Madaxweynaha & Raysalwasaaruhu in ay dadajiyaan dhismaha golahan oo aan waqti laga lumin Qaranka Soomaaliyeed.

Kusimaha Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in kalsoonidii loo qabay Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa koowaad ay hoos u dhacayso hadii ay intaas ka badan la maqnaadeen liiska golaha Xukuumada Faderaalka ee Soomaaliya.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Puntland ay doonayso in la dadajiyo magacaabida golaha Xukuumada, si wax looga qabto arrimaha gurmadka Abaaraha ee kudhuftay Soomaaliya, waxaana PTIMES liis ay heshay ka muuqata in magacyada wasiiradda ka soo jeeda dhankeeda aanan lagala tashan.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *