DHAGEYSO:- DFS Oo Sheegtay In Dhimashada Soomaalidii Lagu Laayay Yemen Ay Ka Dambeeyeen Is-bahaysiga Sacuudiga Iyo Xildhibaan Ka Tirsan BFS Oo Sheegay In DFS..

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

MUQDISHO(P-TIMES)-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in muhim ay tahay in dacwad laga furo Cidii ka danbeeyay dilka 42 qof oo Qaxooti Soomaaliyeed ah Oo Gantaal Lagu Dhuftay Dooni ay la Socdeen oo maraysay Xeebaha Dalka Yemen.

Pro maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay In 42-qof oo Soomaali ah waliba Safar ahaa in gantaal lagu dhufto, qaarkii ka badbaadana xabsi la dhigo.

“Dowladda Soomaliya ayadaan u bisleyn in la xisaabtan laga sameeyo dadka Soomalida ah ee lagu laynayo wadamada Caalamka, falkii haatan ugu dambeeyay ee lagu laayay qaxootiga Soomaliyeed ee kusii jeeday dalka Suudaan kaliyah Cambaareyn ayaa lagu soo koobay taasina ma ahan wax la aqbali karo”, ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Dhanka Kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane C/salaam Cumar Hadliye oo wareysi gaar ah siiyay wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa wuxuu ka hadlay dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay Duqeyn loo geystay Doon ay saarnaayeen xeebaha Wadanka Yaman.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in falkaasi lagu laayay dadka Soomaaliyeed ay ka danbeeyaan isbahaysiga uu hoggaamiyo dalka Sacuudiga iyo Dowladda Yemen.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO.

ISHA KU  HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

One Response to DHAGEYSO:- DFS Oo Sheegtay In Dhimashada Soomaalidii Lagu Laayay Yemen Ay Ka Dambeeyeen Is-bahaysiga Sacuudiga Iyo Xildhibaan Ka Tirsan BFS Oo Sheegay In DFS..

  1. WA wax laga xanuunsado waxa dadkeena lagu laayey ee ha loo kaco yar iyo Weynba.

    Madina
    March 19, 2017 at 2:12 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *