Liverpool Oo Arsenal Ku Cariirineysa Saxiixa Lorenzo Insigne Horyaalka Italy Ayuu Ka Xamaashaa

Filed under: Ciyaaro |

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in kooxda Liverpool ay si dhab u doonayaan saxiixa xiddiga Napoli ee Lorenzo Insigne

Wargeyska Tutto Mercato ayaa sheegaya in Liverpool ay damacsan yihiin in dalab rasmi ah ka geeyaan qadkaas dhexe ee reer Italy

Wargeysgaas ayaa sheegaya in Liverpool ay dadaal ugu jiraan in ay ka hor tagaan fashil ku yimaada maadaama ay waayeen saxiixa Moussa Dembélé iyo Christian Pulisic oo u kala wareegay Celtic iyo Dortmund .

Waxa damaca Liverpool sii xoojinaya ayaa ah laacibka oo aan weli Napoli la meel dhiggin saxiixidda hishiis cusub

Liverpool oo laacibkaan baacsaneysay illaa xagaagii hore ayaa waxa ay loolan kala kulmayaan kooxda Arsenal oo si kal iyo laab u dooneysa saxiixa 25 sano jirkaas

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *