Maxuu Quseeyaa Safarka Lagu Wado In Madaxweyne Farmaajo Todobaadkaan Uu Ku Tago Dalka Kenya ?.

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

Wararka laga helayo madaxtooyada Somaliya ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo lagu wado in maalinta qamiista ah uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Kenya

Booqashada ayaa la xusayaa in ay qaadaneyso muddo sedex cesho ah waxa uuna mudadaas ka qeyb galayaa shirka madaxda IGAD ay ku yeelanayaan magaalada Nairobi

Kulankaas ayaa ajandayaasha dhanka Somaliya ka quseeya waxaa ka mid ah dib u dajinta qaxootiga Somaliyeed ee Kenya ee loo soo celinayo Somaliya oo mudo bilo ka hor bilaabatay

Sidoo kale waxa kulankaas lagu lafa gurayaa arimo la xariira amaanka gobolka gaar ahaan dalalka ku midoobay ururkaan IGAD

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *