SAWIRRO:- Galmudug Oo Puntland Ku Wareejisay Rag Burcad Ah Iyo Baabuur Ay Ka Dhaceen Deegaanada Puntland

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

GAALKACYO(P-TIMES)-Ciidamada Booliiska Maamulka Galmudug ayaa Maanta Ku Wareejiyay Ciidamada Booliiska Gobalka Mudug Puntland Labo Nin Iyo Baabuurta ay ka Dhaceen Deegaanada Puntland.

Wareejinta Oo Ka Dhacday Magaalada Gaalkacyo, Waxaana Goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidamada Booliiska Gobalka Mudug Cismaan Xasan Cuuke “Afdalow”.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Gobalka Mudug Cismaan Xasan Cuuke “Af-dalow” ayaa Mahad Celin Balaaran u Jeediyay Dowlada Gobaleed Galmudug, Isagoona Sheegay In Ay Qaadeen Tilaabo Fiican.

Taliye Af-dalow ayaa Sheegay In Soo Wareejinta Ragan Iyo Baabuurta ay Dhaceen Daliil Cad Ay U Tahay Wada Shaqeynta Ka Dhaxeysa Puntland Iyo Galmudug.

Labadan Nin Ee Ay Soo Wareejiyeen Booliiska Maamulka Galmudug ayaa Waxa ay Baabuurta Ka Dhici Jireen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo Oo Uu Ka Arimiso Puntland, Iyagoona Iib u Geyn Jiray Koonfurta Magaalada Gaalkacyo Oo Ay Galmudug Ka Taliso Iyo Deegaanada Ku Dhow.

SAWIRRO.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *