UPDATE: Wararkii ugu dambeeyey Magacaabida RW Kheyre ee golaha Xukuumada Faderaalka??

Filed under: Falaanqeyn,Wararka Dalka,Wararka Maanta |

MUQDISHO(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa cadeynaya in hadda aysan waxba dood ah ka taagneyn Liiska rasmiga ah ee golaha Xukuumada Faderaalka, oo ay maalmihii u dambeeyey si adag iskugu hayeen Madaxda dawladda Faderaalka ee SOomaaliya.

Madaxweynaha & Ra`iisulwasaaraha ayaa hadda leh shir gaar ah oo ay uga arrinsanayaan magacaabida ka dib iyo safarka uu Madaxweyne Farmaajo ugu duulayo dalka Kenya,

Ilo ku dhaw dhaw Madaxtooyada ayaa sheegaya in fiidnimada hore ee caawa lashaacin doono magacyada Liiskan, waxaase jira warar sheegaya in berri galinka dambe ay u dhici karaan magacaabidan.

Warar ay heshay Puntlandtimes subaxnimadii hore ee saaka ayaa daaha ka rogaya in maanta ilaa caawa saqda dhexe lagu dhawaaqi doono magacyada xubnahan oo ay ka dhex muuqdaan rag siyaasada kucusub.

Safiiro horey Soomaaliya ugu joogay wadamada Caalamka oo qaarkood safaaradahoodii kas oo tagay ayaa xubno ka heli doona golahan Xukuumada cusub, sida ay warinayaan wararka hoose.

Shaqsiyaadka la hadal hayo ayaa iska tirro badan, waxaana mararka qaarkood liiska golaha lagaarsiinayaa 60 ku dhawaad, laakiin Warsidaha Puntlandtimes ayaa helay Liiskan oo ka kooban isku darka guud 55 Masuul.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *