WAR DEG DEG AH+AKHRISO: PTIMES oo heshay Tiradda Golaha Wasiirada cusub ee DFS & Waqtiga lagu dhawaaqayo?

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

MUQDISHO(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes oo soo xiganaya Saraakiil katirsan Xaafiisyada Madaxweynaha & Ra`iisulwasaaraha ee dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa xaqiijinaya in liiska golaha Xukuumada la shaacin doono ugu dambeyn subaxnimada 21-ka bishan oo ku beegan Talaadada nagu soo aadan, iyadoo ay dhici karto in ay ka soo hormarto oo caawa fiidnimada lagu dhawaaqo.

Liiska ay heshay Puntlandtimes oo ay ka dhex muuqdaan Siyaasiin caan ah iyo kuwa aan lafileyn waxa uu ka kooban yahay 25 Wasiir, 5 Wasiiru dowle iyo 28 Wasiir kuxigeen, waxaase suuragal ah in wasiiro kuxigeenada qaarkood dib looga saaro liiskan oo wali diyaarin ku jira.

Mid kamid ah xoghaymaha Xaafiiska Ra`iisulwasaare Xasan Cali Kheyre oo ka gaabsaday sheegida magaciisa ayaa sheegay in hadda la dhameeyey khilaaf adag oo ka dhex taagnaa Guddoonka baarlamaanka & RW Xasan Cali Kheyre.

Khilaafkan ayaa salka ku hayey magacyada & shaqsiyaadka ka mid noqonaya golahan Xukuumada cusub ee laga soo dooranayo gobalada Baay & Bakool oo ay si adag iskugu hayeen Maamulka Koonfur Galbeed iyo Afhayeenka baarlamaanka.

Sidda laga dheehan karro Liiskan oo ay suuragal aheyn in waqtigan aan shaacino sababo jira awgood, waxaa xasaasiyad xoog leh ka qaadi doona Puntland & Jubbaland oo u arki doona mid laga leeyahay ujeedooyin siyaasadeed, xili ay ka dhex muuqan doonaan shaqsiyaad aysan jecleysan matalaadooda Madaxda dawlad gobaleedyadaas oo aan hadda faragalin badan ku laheyn dhismaha golaha Xukuumada Faderaalka ee Soomaaliya.

Haddii uu liiskan kusoo baxo sida ay heshay Puntlandtimes.com shaki ma saarna in ay jiri doonaan caqabado badan oo ay kala kulmayso baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya, gaar ahaana codka kalsoonida oo si dirqi ah ay uga badbaadi karto haddii aysanba waayin-ba.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *