WARBIXIN XASAASI AH:- Soomaaliya Oo Noqotay Dalka 5-aad Ee Qaarada Africa Ugu Farxada Badan+AKHRISO

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

NEW YORK(P-TIMES)-Warbixin ay Qaramada Midoobay maalgelisay ayaa muujinaysa in Soomaaliya ay ka mid tahay shanta waddan Afrika dadka ku nooli ay ugu farxad badanyihiin qaaradda.

Waxaa sidoo kale shantaasi dal ka mid ah Algeria, Mauritius, Libya iyo Morocco.

Baarayaasha diyaariyey warbixintan ayaa waxa ay darseen 155 dal, waxayna sheegeen in dadka ugu liita dhinaca farxada qaaradda Afrika in ay ku nool yihiin dalka Jamhuuriyada Afrika dhexe, waxa ku xiga Burundi, iyo Tanzania. Waddamada kale liiska meesha hoose ka galay waxa ka mid ah Rwanda, Togo, Guinea, Liberia iyo South Sudan.

Warbixinta ayaa waxa lagu saleeyay su’aalo dad ka badan 1000 qof la waydiiyey inta u dhaxeysay 2014- ilaa iyo 2016-kii.
Warbixin laga soo saaray Facebook inuusan u ‘fiicnayn caafimaadka’

Waxaa tusaale loo soo qaatay jaranjaro ka kooban 10 talaabo, oo kadib dadka la waydiiyey halka ay la tahay in ay ka joogaan jaranjaradaas marka la eego dhinaca faraxa iyo nolosha ay kunool yihiin.

Qeybta warbixintaasi ee ka hadlaysa Afrika ayaa waxa lagu sheegay in laba waddan oo kaliya qaarada Afrika ay sameeyeen horumar dhinaca faraxa 10-kii sanno ee la soo dhaafay, wadamadaas oo kala ah, Serra Leon iyo Cameroon.

Warbixinta ayaa waxa ka soo muuqanaya sawir ah in dadka Afrika ku nool badankood yihiin kuwa muujinaya rajo wanaagsan inkastoo aanay ku faraxsanayn waxqabadka xukuumadahooda. Waxay sidoo kale muujinayaan bay tiri warbixintu dhulqaad iyo adkaysi aad u xooggan.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *