XOG RASMI AH: Madaxweyne Farmaajo oo saacadaha dhaw u duulaya Nairobi & Caqabado hareeyey Safarkiisa

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kusii jeeda dalka Kenya, socdaalkiisii ugu horeeyey oo uu ku tagayo wadamada jaarka la ah dalkiisa Soomaaliya, waxaana safarkan hareeyey caqabado waa weyn oo ay ku jiraan arrimaha dhanka Siyaasadda.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in uu Madaxweyne Farmaajo ka carooday booqashadii kediska ahayd ee dhigiisa Kenya Uhuru Kenyaata ku tagay magaalada Dhoobley ee Soomaaliya, oo aan xataa dawladdiisa lagu wargalin.

Ujeedada uu daaran yahay Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Kenya waxaa qeybta ugu weyn ka ah arrimaha Amniga, La dagaalanka Argagixisada, Qaxootiga & Ujeedooyin gaar ah oo ay wadato Madaxtooyada Soomaaliya.

Warbaahinta ugu afka dheer ee dalka Kenya ayaa si aad ah u falanqeynaya talaabooyinka Madaxweyne Farmaajo ee Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in haddii aysan helin Madaxtooyada Muqdisho raaligalin uga timaada Madaxtooyada Nairobi in uu halis yahay in uu baaqdo safarka Farmaajo oo kal hore la shaaciyey.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *