XOG RASMI AH: RW Kheyre & Gudoomiye Jawaari oo maanta si kulul ugu hadlay shir xasaasi ah oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada

Filed under: Falaanqeyn,Wararka Dalka,Wararka Maanta |

MUQDISHO(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com ayaaa ogaaday in uu maanta fashil ku soo dhamaaday shir khaas ah oo ay yeesheen Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka Xasan Cali Kheyre & Gudoomiyaha baarlamaanka Prof, Maxamed Sh Cismaan Jawaari oo diiradda lagu saaray magacaabida golaha Xukuumada & meelmarintooda.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa la xaqiijiye in uu diiday in liiskan la shaaciyo, hadii aysan ku jirin xubno ka soo jeeda gobalada Baay & Bakool oo aan lagala tashan, gaar ahaana Wasiirkii hore ee Maaliyada Mr, Fargeeti oo ah ragga sida weyn loogu loolamayo.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in si adag labada masuul ugu wada hadleen arrimahan, waxaana laysku fahmi waayay guud ahaan, iyadoo dood adag ka dib uu fashil ku dhamaaday shirkan.

Wararku waxay cadeynayaan in gudoomiyuhu ku hanjabay in dib loo celin doono golahan oo ay mucaaradidi kala kulmi karaan xildhibaanada baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya.

Saraakiil ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in berri galinka dambe lagu dhawaaqi doono Liiska kama dambeysta ah, taas oo ay isku raaceen Madaxweynaha & Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

One Response to XOG RASMI AH: RW Kheyre & Gudoomiye Jawaari oo maanta si kulul ugu hadlay shir xasaasi ah oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada

  1. ASC.
    Runta waxaa ogsoon Allaah (swt)laakiin waxaa ii muuqata in uu qaldan yahay Jawaari.Sababtoo ah waxaa la yiri Jawaari waxuu leeyahay waa in Ina adeerkay la siiyaa jagada wasiirka maaliyada.Haddii kale fig ma leh.Jawaari miyuu iloowsan yahay in ay meesha ka jiraan dawlad iyo nidaam wax kala haga?Jawaari waxaa wali madaxa uga Jira waxuu suubin jirey maamul ku sheegii xumaa ee lala har Xassan Shiikh.

    Atoore
    March 20, 2017 at 6:16 am
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *