Home » 2017 » April » 20
AKHRISO XASAASI:- Turkiga Oo Malaayiin Dollar Ugu Deeqay Dowlada Soomaaliya Iyo Danjire Olgan Bekir Iyo Wasiiru Dowlaha Maaliyadda DFS Xayir Oo..

AKHRISO XASAASI:- Turkiga Oo Malaayiin Dollar Ugu Deeqay Dowlada Soomaaliya Iyo Danjire Olgan Bekir Iyo Wasiiru Dowlaha Maaliyadda DFS Xayir Oo..

MUQDISHO(P-TIMES)-Dowladda Turkiga ayaa ugu deeqday dowladda Soomaaliya lacag gaareysa 8-milyan oo dollar, taasoo lagu kabayo Miisaaniyadda dowladda.   War lagu qoray Bogga Facebook ee Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Turkigu uu dowladda Federaalka ku wareejiyay lacag dhan 8-milyan oo dollar, taasoo kab ugu noqoneysa miisaaniyadda. Safiirka Turkiga ee Soomaaliya u fadhiya Danjire […]

AKHRISO:- Maxaa Ay Ka Wada Hadleen Madaxweynaha JFS Farmaajo Iyo Madaxweynaha Turkiga Erdoğan??

MUQDISHO(P-TIMES)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa khadka teleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.   Madaxweynaha ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyay Madaxweyne Erdoğan iyo Shacabka Turkigaba natiijada aftida dhacday maalintii Axadda 17 April 2017, taas oo ay shacabka Turkigu si aqlabiyad ah ugu codeeyeen nidaamka siyaasadeed ee dalka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u […]

Continue reading …
LA OGAADAY: Soomaaliya oo Martigalinaysa Tartamada Caalamiga ah ee Ciyaaraha,

Guddoomiyaha xiriirka kubbada cagta qaarada Afrika Axmed Axmed ayaa sheegay in dalka Soomaliya loo fasaxayo inuu martigeliyo tartamada caalamiga ah. Guddoomiyaha xiriirka kubbada cagta qaarada Afrika oo booqasho labo maalmood ah ku tegey caasimada Soomaaliya ayaa ugu baaqay dowlada Soomaaliya inay diyaargareyso tartamo saaxibtinimo oo ay la yeelanayaan wadanka jaarka la ah ee Jabuti. Magaalada […]

Continue reading …
XOG MUHIIM AH: DF Soomaaliya oo go’aan adag ku ridi doonta Diyaaraddihii Qaadka ee diiday in ay ka dagaan Muqdisho

MUQDISHO(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes ayaa ogaaday in uu jiray galabtay adag xasaasi ah oo dhexmaray Madaxda Maaliyadda ee dawladda Soomaaliya & Saraakiisha dhanka Socdaalka Duulimaadyada Hawada dalka. Shirkaas ayaa ku saabsanaa diyaarado diiday in ay Canshuur ku bixiyaan Muqdisho oo ka dagay magaalada Jowhar, taas oo u muuqatay talaabo lagu xagal-daacinayo dawladda Faderaalka Soomaaliya. Wasaaradda Maaliyadda […]

Continue reading …
DEG DEG: Madaxweynaha D. Faderaalka Soomaaliya oo martigalinaya Kulan Xasaasi ah, Su’aal hadaad qabto soo gudbi

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marti-galinaya Kulan Talo-Wadaag ah oo su’aalo lagu weydiinayo, loogana tashanayo Aayaha Soomaaliya. Madaxweynuhu wuxuu la hadli doonaa Boqolaal Qof oo laga soo kala xulay qeybaha bulshada Soomaaliyeed, wuxuu mid mid uga jawaabi doona su’aalo ay Soomaalidu baraha bulshada iyo goobta ku weydiin doonaan, sida lagu […]

Continue reading …
SAWIRRO: Faahfaahin ku saabsan Safarka Madaxweynaha Puntland ee dalka Itoobiya

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 20 April 2017  safar shaqo ugu amba baxay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya halkaas oo uu kaga qayb geli doono Shirka Madaxda  Afrika ee Tana Forum oo sannadkiiba mar lagu qabto magaalada Bahar dahar ee dalkaasi. Madaxweynaha ayaa waxaa garonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacayo ku […]

Continue reading …
SAWIRRO: Kulankii Golaha Xukuumada Faderaalka oo laga soo saaray go’aamo xasaasi ah.

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Maareynta Maaliyada, Amniga Qaranka, Xuquuqda Shaqaalaha, Qorshaha ka hortaga Musuqmaasuqa iyo arrimo kale. Ugu horeyn Ra’iisal Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada maareynta maaliyada […]

Continue reading …
XOG MUHIIM AH: Waa maxay Ujeedada Socdaalka M/weyne Gaas ee dalka Itoobiya ku aadayo maanta?

GAALKACYO(P-TIMES)- Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku sii jeeda dalka Itoobiya, isagoo shalay kusugnaa magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug. Socdaalka Madaxweynaha Puntland ee dalka Itoobiya waxaa ku wehlin doona xubno kamid ah golaha Xukuumada & Madaxtooyada, waxaana ay goor dhaw duuli doonana magaalada Gaalkacyo. Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa ah in ay la […]

Continue reading …
DF Soomaaliya oo ka hadashay Weerar lagu qaaday Saraakiil katirsan Dawladda Imaaraatka Carabta duleedka Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa si kulul u cambaareeyey falkii shalay Al-Shabaab ay qarax miino ugu geysteen gaari ay saarnaayeen xubno ka socda Guddiga Abaaraha Qaranka, iyagoo maraya deegaanka Garasbaaley si shacabka barakacayaasha ah loogu gurmado. Gaari ay saarnaayeen xubno ka mid ah Guddiga Abaaraha Qaranka, […]

Continue reading …
WAR DEG DEG AH: Dawladda Imaaraatka Carabta oo ku dhawaaqday Lacagtii ugu badneyd oo loogu deeqo Soomaaliya, Daahana ka rogtay…

MUQDISHO(P-TIMES)- Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa daaha ka rogtay lacagtii ugu faraha badneyd ee ay dawladda Carbeed ugu yaboohday Soomaaliya waqtigan xasaasiga ah, waxaana lacagtaas toos loogu bixin doona arrimaha Maalgashiga, Dibu dhiska dalka, Ciidamada, Miisaaniyada dawladda & Danta guud ee Ummadda Soomaaliyeed. Sanduuqa Horumarinta ee Imaaraatka Carabta ayaa ku dhawaaqay in aduun gaaraya $89.8 Malyan […]

Continue reading …
Page 1 of 212