Home » 2017 » April » 28
XOG-DEG-DEG:- Mid Ka Mid Ah Saraakiishii Ugu Saameynta Badneyd  CXD Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo P-TIMES Oo Heshay..

XOG-DEG-DEG:- Mid Ka Mid Ah Saraakiishii Ugu Saameynta Badneyd CXD Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo P-TIMES Oo Heshay..

MUQDISHO(P-TIMES)-Warar lagu kalsoonaan karo oo uu helay Warsidaha Puntlandtimes.net ayaa sheegaya in Taliyihii Saadka ee Ciidamada xoogga dalka Jen. C/llaahi Macalin Nuur xil ka qaadis lagu sameeyay. Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa xaqiijinaya in Jen. C/llaahi Macalin Nuur oo xilkan muddo 7-sano hayay lagu bedelay Jeneraal Garabey. Jen. C/llaahi Macalin Nuur ayaa ka mid ahaa […]

TOPNEWS: RW Kheyre oo ka hadlay xariirka kala dhaxeeya Dawlad gobaleedyada & M/weyne Farmaajo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo marti ku ahaa Barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Telefishinka Qaranka ee SNTV ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaalada dalka iyo wada shaqeynta isaga iyo Madaxweynaha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay ka shaqeyneyso dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, si loo gaaro […]

Continue reading …
SAWIRRO: Shirkada ENOC & TARAN OIL oo Garoowe ku soo bandhigay Adeegyada ay bulshada u hayaan

GAROOWE(PTIMES) – Shirkadda ENOC oo laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta & Taran OIL oo ay ku mideysan yihiin Shirkado kala duwan ayaa ku soo bandhigay Garoowe adeegyada ay bulshada u hayaan, waxaana ka qeybgalay masuuliyiin kala duwan. Bandhigan oo ay soo qaban-qaabisay Shirkadda TARAN OIL oo wakiil uga ah Soomaaliya Shirkadda ENOC oo laga leeyahay […]

Continue reading …
DHAGEYSO XASAASI:- RW Kheyre Oo Ka Hadlay Arimo Badan Oo Ay Ka Mid Yihiin, Shirka London Iyo Qaraxyada Bisha Ramadaan Al-Shabaab..

MUQDISHO(P-TIMES)-Ra’isulwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Muadane Xasan Cali Kheyre  ayaa waxa uu ka hadlay shirka soomaaliya looga hadlaayo ee bisha may magaalada London ee Wadanka Britain lagu madalsanyahay in lagu qabto, waxuuna sheegay in shirkaasi uu yahay mid lagu garab istaagayo Dowlada Cusub ee Soomaaliya. Ra’isulwasaare Kheyre ayaa waxa uu sheegay in shirka London soomaalida loogu […]

Continue reading …
TOPNEWS:- Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi Oo Si Adag Uga Hadlay Bur-burka Ku Yimid Wada Hadaladii Ahlu-sunna Iyo Galmudug

MUQDISHO(P-TIMES)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in wada hadaladii u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlusuna uu burbur ku soo idlaado, iyadoo aanay jirin wax heshiis oo labada dhinac ka gaareen khilaafkooda. Xildhibaanka ayaa sheegay in wada hadaladan ay aheyd in laga dhaxlo Midnimo dhex marta reer Galmudug iyo in la […]

Continue reading …
XOG LA QARIYEY: Maxaa keenay Burburka Wada hadalada Ahlu Suna & GALMUDUG, Yaase ka dambeeyey?

MUQDISHO(P-TIMES)- Wada hadaladii u socday Ahlu Suna Waljameeca iyo Galmudug oo la doonayey in ay noqdaan kuwa ay ku midoobaan ayaa fashil ku soo dhamaaday xalay, markii ay dhamaatay mudadii horey loogu qabtay, waxaana banaanka u soo baxay xogo xasaasi ah. Ahlu Suna waxay maamushaa inta badan gobalka Galguduud, sidaas oo kale taageerayaal ay leedahay […]

Continue reading …
DHAGEYSI XASAASI AH: Ciidamada Xooga Soomaaliyeed ma waxay noqon doonan 18,000 oo kaliya?

MUQDISHO(P-TIMES)- Hogaamiyaasha Siyaasadda Soomaaliya oo bishan bilowgeedii shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa isku raacay Hindisaha dhismaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, waxayna isku raaceen tiro guud oo ah 18,000 oo Askari, taas oo ay dood badan ka keenen qaar kamid ah baarlamaanka Faderaalka iyo Jeneraalada xagga ciidamada looga dambeeya. Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre, Lataliyaha Madaxweynaha […]

Continue reading …
XOG DHAMEYSTIRAN: Ciidamada Sirdoonka Puntland oo dhabarka ka jabiyey Shabakado Argagixiso, oo maleegeyey Weeraro halis ah…

GAALKAYO(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes ayaa ogaaday in ay ciidamada Sirdoonka ee dawladda Puntland ayaa si farsamo leh ula socdeen dhaqdhaqaaqyo ay wadeen Unugyo Argagixiso ah, oo laga soo diray meelo kala duwan, gaar ahaana katirsanaa kooxda Al- Shabaab, kuwaas oo ujeedadu ahayd in ay fuliyaan weeraro argagixiso oo lagu laayo Hal doorka iyo Shacabka Puntland. Ciidamadu […]

Continue reading …
WAR DEG DEG AH: M/weyne Gaas oo si deg deg ah utagaya Gaalkacyo iyo Warar soo baxaya.

GAALKACYO(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kusii jeeda magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, halkaas oo ay hadda kajiraan falalka amaanka lidi ku ah, gaar ahaana dilalka qorsheysan oo hadda dib uga bilowday magaaladaas. Madaxweynaha Puntland ayaa kasoo dhoofaya dhinaca Itoobiya, wuxuuna ka hadli doona arrimaha amniga magaaladaas, isagoo la kulmaya dhinacyada […]

Continue reading …
DEG DEG+AKHRISO: Roobab kala duwan oo ka da’ay Gobalada Mudug, Sool, Nugaal, Karkaar iyo G Doollo Ee Itoobiya.

GAROOWE(PTIMES)- Roobab wanaagsan oo ay ku diirsadeen Duunyada yat ee abaarta kasoo doogsanaya iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka da’ay deegaano kala duwan oo kamid ah gobalo badan oo ay ka jireen abaaro si daran u saameyey dhinacyada oo dhan. Gobalka Mudug warar kala gedisan ayaa kasoo baxaya, kuwaas oo gobalka badankiisa ka dhigaya mid helay […]

Continue reading …
Page 1 of 212