Home » 2017 » April » 30
SAWIRRO: Shirkadda AMAL BANK oo ka daah-furtay Maalgalinta Ganacsatada Yar-yar ee dumarka & Xarun cusub magaalada Bacaadweyn

SAWIRRO: Shirkadda AMAL BANK oo ka daah-furtay Maalgalinta Ganacsatada Yar-yar ee dumarka & Xarun cusub magaalada Bacaadweyn

GAALKACYO(P-TIMES)- Bangiga Amal Bank & Xawaaladda ayaa xarun cusub ka furtay deegaanka Baacadweyn ee gobalka Mudug, waxayna sidaas oo kale isla maanta ka daah-furtay magaaladaas Maalgalinta Ganacsatada Yar-yar ee dumarka ah oo dhawaan la bilaabay. Maamulaha Amal Bank Bacaadweyn Mohamed Cumar Diraac oo furay shirkan ayaa sharaxaad ka bixiyey waxyaabaha ay AMAL BANK qabato iyo […]

SAWIRRO: RW Soomaaliya oo amar deg deg siiyey ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee dawladda Faderaalka

MUQDISHO(P-TIMES)- Raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa booqday xarunta ciidamada Nabadsugida & Sirdoonka Soomaaliya, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxda ciidankaas hogaamisa waxayna ka wada hadleen arrimaha dalka. Taliyaha ciidamada Nabadsugida & Sirdoonka Maxamed Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa la wadaagay Raysalwasaaraha macluumaadka la xariira la dagaalanka Argagixisada iyo talaabo kasta oo ay wadaan. Mr, Sanbaloolshe […]

Continue reading …
Madaxweyne Gaas:  Hadal Yar Iyo Hawl Badan

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh…. Suaal… Jaalle Madaxwayne waddanka waxaa ka jirta colaad ah weerar lagusoo qaaday shacabkii adigiina waad ka maqantahay rinkaas sharaxaad dheeraad ah naga sii….? Jawaab…. Adeer Gacanna waxaan ku difaacaynnaa shacabkeenna sharafta badan, gacanna waxaan ugu adeegaynaa sidii aan horumar la taaban karo ku gaarsiin […]

Continue reading …
DEG-DEG+SAWIRRO:- Madaxweyne Farmaajo Oo Warqadihii Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiirka Dalka Itoobiya+AKHRISO

MUQDISHO(P-TIMES)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya Amb. Jamaaludiin Mustafa Omar, ka hor booqashada Madaxweynaha lagu wado in Todobaadkan uu ku tago dalka Itoobiya. Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Itoobiya Amb. Jamaaludiin oo bishii hore ay dowladda Itoobiya u soo magacawday Soomaaliya […]

Continue reading …
DEG-DEG:-Qarax Xoogan Oo Gil-gilay Deegaan Ku Yaal Duleedka Magaalada Muqdisho+Khasaaraha

MUQDISHO(P-TIMES)-War deg deg ah oo goor dhow ina soo gaaray ayaa waxaa ay sheegayaan in la maqlay Jug xoogan oo qarax ah. Qaraxa ayaa laga maqlay Nawaaxiga Deegaanka Weydow oo ka tirsan Deegaanada Duleedka ka ah Magaalada Muqdisho. Inta la xaqiijiyay qaraxaas waxaa ku dhaawacmay Hal qof oo shacab ah waxaana uu ahaa Miino nuuca […]

Continue reading …
DHAGEYSO:- Wada Hadaladii Maamulada Galmudug Iyo Ahlu-sunna Oo Dib U Bilaabanaya+Goormee??

CADAADO(P-TIMES)-Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) ayaa sheegay in ay dib u bilaaban doonaan wada hadalada Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna. Waxa uu sheegay in marka ay dhacdo Doorashada Madaxweynaha Galmudug ka dib ay si toos ah u bilaaban doonaan Wada hadalada Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna. Madaxweyne Carabey ayaa sheegay in uu guul […]

Continue reading …
FALANQEYN XASAASI AH: Qabqable Muuse Suudi Yalaxow & Kooxdiisa oo bilaabay qorshe halis galinaya rajada Soomaaliya?

MUQDISHO(P-TIMES)- Golaha Aqalka Sare dawladda Soomaaliya ayuu Muuse Suudi Yalaxow oo horey aad ugu caan-ahaa gumaadka Ummadda Soomaaliyeed shalay ka hor sheegay hadal u muuqday cuqdad iyo meeshii xumeyd ee laga keenay Soomaaliya in uu dib ugu celinayo. Qabqable Muuse Suudi oo ay ka muuqato xumaanta iyo xaasidnimada u qabo nabadda iyo daganaanshaha Puntland ayaa […]

Continue reading …
DEG DEG+AKHRISO: Dawladda Puntland oo amartay howlgalo guri-guri ah oo laga sameynayo Boosaaso & Go’aamo xasaasi ah oo soo baxay

BOOSAASO(P-TIMES)- Wasaaradda Arrimaha gudaha, Dawladdaha Hoose & Horumarinta Reer miyiga ayaa ka soo saartay go’aamo xasaasi ah magaalada Boosaaso, kuwaas oo lagu adkeynayo Amniga iyo daganaanshaha. Amaradda cusub ee kasoo baxay dawladda Puntland ayaa badankoodu ay ku wajahsan yihiin gaadiidka soo dagaya iyo kuwa la isticmaalayo ee magaalada Boosaaso. Sidaas oo kale waxay amartay Wasaaradda […]

Continue reading …
DEG-DEG+AKHRISO:- Maxkamada G. Banaadir Oo Amar Ku Bixisay In La Soo Qabto Agaasimihii Hore Ee W Warfaafinta DFS “Bahlaawi”

WAAJID(P-TIMES)-Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartay warqad amar soo qabasho iyo horkeenid maxkamadeed oo ka dhan ah Agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta ee shaqada laga joojiyay C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi iyo nin kale. Warqadan ayaa aheyd amar ka soo baxay Xafiirka Xeer Ilaalinta Qaranka oo ka codsaday maxkamadda Gobolka Banaadir inay soo saarto warqad soo qabasho ah […]

Continue reading …
LA OGAADAY: Garoonkii Diyaaradaha Gaalkacyo yaa lagu wareejinayaa, Maadaama mid cusub la dhagax-dhigay?

Qoraal aan galabta ku baahiyay darbiga qolkan aan ku leeyahay Facebook-ga ayaa la igasoo waydiiyay su’aal ahayd Maxaa looga guuray garoonkii hore ee Gaalkacyo? Dabadeed waxaan jeclaystay inaan uga jawaabo garashadayda wallow ay jiraan dad badan oo iigaga aqoon badan. Garoonka Gaalkacyo ee hadda shaqeeya hadafkii loo dhisay wuxuu ahaa garoon ciidan waana sababta keentay […]

Continue reading …
Page 1 of 212