AKHRISO+XOG: Siddee loo qeybiyey ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed? Xaggeesse la kala geyn doonaa?

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

MUQDISHO(P-TIMES)- Hogaamiyaasha Siyaasadda ee Soomaaliya ayaa isku raacay dhismaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo hadda la dadajiyo, waxay go’aansadeen in tiradda laga dhigo 18,000 oo Askari, ayna noqdaan kuwa matali karra magaca Ummadda Soomaaliyeed.

Ciidamadan waxay kala joogi doonaan xerooyin kala duwan oo dhamaantood kuyaala gudaha dawlad gobaleedyada dalka, waxayna si siman ugu shaqeyn doonaan Qaranka Soomaaliya.

Tiraddan waxay u muuqataa in ay aad uga hooseyso tiraddii horey loo qorsheeyey, balse waxaa qorshahan la go’aansaday in lix bilood gudahood lagu dhameystiro oo ay ciidamadan iskugu yimaadaan deegaanada la qorsheeyey.

400,000 oo kamid ah ciidamadan waxay noqon doonaan kuwa si gaar ah u tababaran oo loo bixiyey KUMAANDOOSKA Soomaaliya, waxaa min shan boqol loo geyn doono dawlad gobaleedyada, iyadoo ay fulin doonaan howlgalada khaaska ah ee deg deg ah.

Saraakiisha ciidamadan hogaamin doona waxay noqon doonaan kuwa toos uga amar qaata Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah guddoomiyaha guddiga Amniga Qaranka ee Soomaaliya.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

 

Comments

comments

2 Responses to AKHRISO+XOG: Siddee loo qeybiyey ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed? Xaggeesse la kala geyn doonaa?

  1. Macha allah dowladayada alle hagarab galo ciidamãa yadana guul waarta urajey nayaa Somalia hanoo laato

    Suldaan Mukhtaar Yaasiin
    April 19, 2017 at 1:37 pm
    Reply

  2. ma sha allah waa arin fiican oo soo celinkarta sharaftii soomali lahaan jirtay
    soomaliyeey toos

    awnor
    April 19, 2017 at 5:55 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *