DEG DEG: Madaxweynaha D. Faderaalka Soomaaliya oo martigalinaya Kulan Xasaasi ah, Su’aal hadaad qabto soo gudbi

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marti-galinaya Kulan Talo-Wadaag ah oo su’aalo lagu weydiinayo, loogana tashanayo Aayaha Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu la hadli doonaa Boqolaal Qof oo laga soo kala xulay qeybaha bulshada Soomaaliyeed, wuxuu mid mid uga jawaabi doona su’aalo ay Soomaalidu baraha bulshada iyo goobta ku weydiin doonaan, sida lagu baahiyey Barta gaarka ah ee Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayay u tahay markii ugu horeysay ee kulan furan uu soo fariisto, si wax looga weydiiyo qorshayaasha ay ku hagayaan Soomaaliyada cusub.

Haddii aad qabto su’aal fadlan Hoos ku reeb, si aan ugu gudbino Su’aalaha uu ka jawaabi doono Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo ku saabsan Xaaladda guud ee dalka.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

7 Responses to DEG DEG: Madaxweynaha D. Faderaalka Soomaaliya oo martigalinaya Kulan Xasaasi ah, Su’aal hadaad qabto soo gudbi

  1. Guul iyo barwaaqo Allow nasii.

    Saciid
    April 20, 2017 at 4:43 pm
    Reply

  2. Waxaa rabah in aa su alo weyidiyo maxaadaxweye
    n ; maxmed ca/laahi faraamjio?

    Nura Noor
    April 20, 2017 at 5:25 pm
    Reply

  3. Waxaa rabah in aa su alo weyidiyo maxaadaxweye
    n ; maxmed ca/laahi faraamjio?sulashayd waa waxaan ah hooyo somaaliyeed oo ku nolo qurub ah ee marka daawlaadu dadka qurub joogta ah qorshay ay kaleed hay oo ay ka damacsanta maxay tahay maxay see u dirayaris mustaqbilka soo socooda waan salamay maadaxweyen hayga waxaan ka mid naya tageer yaashiisa waxaan laay hay guul soo

    Nura Noor
    April 20, 2017 at 5:38 pm
    Reply

  4. ASC ugu horayn waan salamaayaa dhamaan bahda PUNTLANDTIMES.COM
    salaan kadib SUAASHA aan waydiinayo madaxwaynaha waxay tahay sidaan

    MUDANE MADAXWAYNE khilaafka ka dhaxeeya soomaaliya iyo soomaaliland oo aan ahayn mid shacab laakiin ah mid siyaasadeed iyo qaybo kale oo kamida qabaaiilada soomaaliyeed goormaad galaysaa oo aad bilaabaysaa inaad noqoto ODAY SOOMAALIYEED sidaad khudbadaadi olalaha doorashada ku sheegtay? Sidoo kale MUDANE MADAXWAYNE dhamaan GOBOLADA iyo DEGMOOYINKA SOOMAALIA iyo xitaa TUULO KASTA koonfur ilaa bari ilaa waqooyi SHACABKA kukala sugan waxay rabaan amaba ku ducaysanayaaan inaad utagto oo aad dhamaan dalka soomarto shacabka soomaaliyeedna dhamaan aad booqato MARKA GOORMAAD shacabkaas kusugaya aad ubishaaraynaysaa oo aad BOOQASHADAAS SAFARKAAD bilaabaysaa inaaad dalkoo dhan kumarto? wa bilaahi tawfiiq.

    Ahmed Shukri Abdi
    April 20, 2017 at 7:22 pm
    Reply

  5. Magacayga waa Ali mohamed, waxaan ku noolahay iswidhan, laba su,aalood ayaan weydiinayaa madaxweynaha
    1- mudane madaxweyne soomaaliya waxay qaadatay nidaamka federaalka waana lagugu doortay ee adigu ma ku qanacsantahay federaalka dalkeenna maanta ku dhaqmo. Haddaad ku qanacsantahay noo sharax dariiqaad u marayso sidii aan u wadaagi lahayn qayraadkeenna tusaale badroolka, dekedaha, airaboorada, dhulbeereedka iyo guud ahaan ilaha dhaqaalaha!
    2- arrinta ciidamada gaar ahaan saraakiisha! Mudane madaxweyne dallacsiinta saraakiisha iyo garaaddo bixinta waa midaan la yaabbanahay kumana qanacsanin haddaan shacabka nahay gaar ahaan dallacsiinta dad aan soomarin ciidanka iyo dallacsiinta dad dambiyo ka galay shacabka soomaaliyed waa noocuntami la,dahay sidee u wajahaysaa arrintaas?

    Ali
    April 20, 2017 at 7:27 pm
    Reply

  6. Asc marka hore marka xiga madaxwayne allaha ku barakeeyo magacaygu waa idil colaad waxaan joogaa Hyderabad India waxaan ku waydiinayaa 2laba su aalood 1 mudane mxweyne dadka soomaaliyeed ee xabsiyada ku dhibaataysan oo xitaa India ku xiran oo gaajo iyo cuduro u dhintay maxaa idiinka qorshaysan marka xiga passportki somalia wadama badan baa diiday waxayna dhibku noqotay dadka soomaaliyeed ee doonayey inay waxbarasho aadaan iyana kawaran dowladaha inaad kalahadashaan passportka somaliya inay fasaxaan dowlada jabuti passportki soomalida ayku caawisay way joojisay marka dad badan oo soomali ah baa sitay oo arday u badan oo aniguba aanka mid ahay waa na naga dhacay waxna mabaran karno waa dhibanahay marka maxaad maxwayne dawlada aan walaalaha nahay ee awalba nagu caawisay passporkeeda maxaad ugalahadli waydeen in ay ufasaxdo dadkii horay ay u siisay waxaan rajaynayaa inaad waxka qabatid arimahaas mudane mxweyne allaha ku guuleeyo

    idil colaad
    April 20, 2017 at 9:24 pm
    Reply

  7. Asc marka hore marka xiga madaxwayne allaha ku barakeeyo magacaygu waa idil colaad waxaan joogaa Hyderabad India waxaan ku waydiinayaa 2laba si aalood 1 mudane mxweyne dadka soomaaliyeed ee xabsiyada ku dhibaataysan oo gaajo iyo cuduro u dhintay maxaa idiinka qorshaysan marka xiga passportki somalia wadama badan baa diiday waxayna dhibku noqotay dadka soomaaliyeed ee doonayey inay waxbarasho aadaan iyana kawaran dowladaha inaad kalahadashaan passportka somaliya inay fasaxaan dowlada jabuti passportki soomalida ayku caawisay way joojisay marka dad badan oo soomali ah baa sitay oo arday u badan oo aniguba aanka mid ahay waa na naga dhacay waxna mabaran karno waa dhibanahay marka maxaad maxwayne dawlada aan walaalaha nahay ee awalba nagu caawisay passporkeeda maxaad ugalahadli waydeen in ay ufasaxdo dadkii horay ay u siisay waxaan rajaynayaa inaad waxka qabatid arimahaas mudane mxweyne allaha ku barakeeyo

    idil colaad
    April 20, 2017 at 9:37 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *