FAALLADA JIMCAHA: DF Soomaaliya Oo Malaayiin Dollar heshay, Yeyse ka heshay?

Filed under: Falaanqeyn,Wararka Dalka,Wararka Maanta |

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa fariin xasaasi ah u diray Hogaamiyaasha wadamada Carbeed, wax yar uun markii la doorta horaantii sannadkan, wuxuuna xiligaas ka dalbaday shan qodob oo ay ugu horeyso taageerida dibu dhiska ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, Abaaraha & Lacag cadaan ah oo lasiiyo dawladdiisa, si ay u dadajiso dib u dhiska Soomaaliya.

Dalabkaas Madaxweynaha waxaa la marsiiyey Danjirayaasha wadamadaas u qaabilsan Soomaaliya, oo warqahaas u qaaday Madaxda wadamadooda.

Dalalka fuliyey wixii laga codsaday ilaa hadda waxaa kamid ah Sacuudi Careebiya oo bixisey Aduun gaaraya 120 Malyan oo Dollar, looguna talo-galay in wax looga qabto Miisaaaniyada dawladda Soomaaliya, sidaas oo kale waxaa jiri doonta lacag dheeraad ah oo Abaaraha & Mashaariic loogu talo-galay.

Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa balan qaaday in ay bixinayso aduun gaaraya 450 Malyan oo Dollar, taas oo ay ugu talo-gashay Miisaaniyada dawladda Soomaaliya in lagu kabo, waxaana muuqata in ay labo jibaar ka badan tahay lacagta Imaaraatku Miisaaniyada guud ee dawladda Soomaaliya.

Deeqda Imaaraatka ayaa loo kala jabinayaa wajiyo kala duwan, gaar ahaana waqtiyada la kala bixinayo, waxaana bil kasta la bixinayaa lacag kor u dhaafaysa 20 Malyan oo Dollar, laguna aadinayo Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Dawladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in ay kushubtay Xisaabta Bangiga dhexe ee Soomaaliya lacag dhan 8 Malyan oo Dollar, taas oo ah lacagta Shan bilood ay ku kabeen Miisaaniyada dawladda Faderaalka.

Dawladda Qadar ayaa la rumeysan yahay in ay bixisey lacag gaaraysa 12 Malyan oo Dollar, taas oo loogu talo-galay socodsiinta howlaha dawladda Faderaalka, waxaana muuqanaysa in ay dawladdu hesho kaalmo caalami ah.

Warar hoose oo ku dhaw dhanka Bangiga dhexe ee Soomaaliya & Wasaaradda Maaliyada ayaa sheegaya in aduun gaaraya $610 Malyan oo Dollar ay hadda gacanta dawladda Soomaaliya ku soo dhacday, isla markaasna ay u jiheyn doonto meelmarinta mushaaraadka ciidamada, Shaqaalaha, Gurmadka Abaaraha iyo talaabo kasta oo ku aadan dhinaca Horumarinta ee Soomaaliya.

Dawladdaha Carbeed waa markii ugu horeysay oo ay garowsadaan Baaqa uga yimaada Soomaaliya oo ah wadan ay ilaaween, waxaana muuqata in ay hadda niyad wanaagsan u hayaan dibu dhiska iyo kaalmeynta Shacabka dhibaateysan ee Soomaalida, waxaana maanta ay talaabadan tahay mid u baahan in ay ka faa’iideysto Jamhuuriyada Soomaaliya.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *