FALANQEYN XASAASI AH: Dawladda Farmaajo Iyo Caqabadaha Barnaamijka Heshiisyada Iskaashiga Cusub

Filed under: Falaanqeyn,Wararka Dalka,Wararka Maanta |

Dowladda Soomaaliya waxaa ay isku diyaarisay shirka London, madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada waxaa ay isku afgarteen in la qaato heshiisyada iskaashiga cusub ama waxa beesha caalamka u taqaano “A New Partnership Agreement”.

Qorshaha beesha caalamka ee “ Heshiisyada iskaashiga cusub”, waxaa ka horreeyay qorshe ay dowladda u dejisay 3da sano ee soo socota, waxaana muuqata in ugu dambeyn qorshaha dowladda federaalka ah laga yeelli doono sida ay rabto beesha caalamka, lana aamini doono ballan-qaadyada beenta ah ee beesha caalamka  sidii dhacday New Deal 2013-kii.

Waa Maxay Qorshaha Dowladda Ee Horumarinta Qaran (NDP):

Qorshahan waxaa soo diyaarisay wasaaradda qorsheynta qaranka ee dowladda federaalka ah, waxaana lagala tashtay maamul goboleedyada dalka, waana qorshe 3 sano ah oo ay sheegtay in looga guurayo New Deal-ka.

Afarta dhinac ee qorshahan uu diirradda saarayo waxaa ka mid ah:-

  • In la yareeyo Saboolinimada
  • In la dayactiri kaabayaasha
  • In tayada hey’addaha la xoojiyo
  • In siyaasaddu ay noqoto mid lagu wadajiro

Qorshahan oo la sheegay in uu yahay midkii ugu horreeyay muddo 30 sano ayaa maalgelinstiisa waxaa laga rabaa dowladda federaalka ah iyo deeqaha laga filanayo beesha caalamka.

Qorshahaasi oo hindahiisa ay laheyd dowladdii Xasan Sheekh, waxaa dheer labo barnaamij oo ay ku soo suuq-galeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Xasan Khayre, oo mid weliba uu leeyahay waxaan wax badan ka qaban doonaa arrimaha amniga, dhaqaalaha, cadaaladda iyo arrimaha dibadda.

Shirkii Muqdisho Isniintii lagu soo gabagabeeyay waxaa qodobadiisa ka mid ahaa “Madaxdu waxa ay rajaynaysaa in beesha caalamku taageeraan go’aamada iyo qorsheyaasha ay dawladda Soomaaliya mudnaanta gaarka ah siinayso”, codsigaas sida loo xushmeeyo waxaa la sugaa shirka London.

Shirka London:

Shirka London ka furmaya 11-ka May ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, Ajendihiisu waxaa xoogga lagu saarayaa 3 arrin: Nabad-galyada, Siyaasadda iyo Horumarinta, kuwaas oo la fulin doono 4ta sano ee soo socota, waxaa sidoo kale si la mid ah shirkii Brussels 2013-kii la yaboohi doonaa lacag Balaayiin ah, taas oo ugu dambeyntii natiijadeeda noqon doonto wixii dhacay 2016-kii.

Casharrada Laga Bartay New Deal:

Inta aan New Deal ama Hiigsiga 2016-ka midna la maqlin, waxaa dalka madaxweyne ka noqday Xasan Sheekh Maxamud, waxaa uu la yimid lixdan tiir: Xasilita dalka, Soo noolaynta dhaqaalaha dalka, Nabadaynta & dib u heshiisiinta, Soo noolaynta adeegyada Bulshada, Midnimada & Wadajirka ummadda Soomaaliyeed, Ilaalinta & abuurista xiriirrada caalamiga ah ee ku salaysan iskaashi & wadajir.

Sanad kadib doorashadii Xasan Sheekh, waxaa Muqdisho lagu qabtay shir loogu diyaar-garoobayo shir lagu waday in 16-ka September 2013-kii in lagu qabto Magaalaa Brussels ee dalka Biljimka.

September 02-06, 2013: Waxaa Muqdisho ka dhacay shir ay ka soo qeybgaleen dowladda, maamul goboleedyada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, Munaasabada xiritaanka shirweynaha qaran ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynaha J.F Soomaaliya mudane Xasan S. Maxamuud, diblomaasiyiin iyo xubno ka mid ah labada gole.

Qodobadii asaasiga ahaa ee shirka kasoo baxay waxaa ka mid ahaa :-

  1. Dib u eegista dastuurka dalka, dhameystirkiisa iyo hirgalintiisa
  2. Noocyada iyo hanaanka federaalka iyo habka loo qeeybsanayo awooda dalka iyo kheeyraadka dalka.
  3. Dib u habbeynta hey’adaha dowlada, hufnaantooda iyo hagaajinta maamulka maaliyadda.

Qodobadaas markii lala tagay Brussels 16 September 2013, Beesha caalamka waxaa ay la soo baxday Ajende kale oo ka hadlaya: amniga, dib u habeynta garsoorka, maamulka maaliyadda  iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana meesha looga dhawaaqay “New Deal iyo Hiigsi cusub”.

Shirkaas waxaa  Soomaaliya loogu yaboohay lacag dhan  1.8bn euros ($2.4bn; £1.5bn) , lacagtaasi oo inteeda badan loogu talogalay in lagu fuliyo mashaariic horumarineed sida caafimaadka, waxbarashada iyo kaabayaasha dowladeed sida dhismaha hey’adaha dowladda.

Lacagtii La Yaboohay Mala Bixiyey?!

Markii sedex bilood oo kaliya laga joogey shirkii Brussels waxaa soo baxay cabashooyin dhanka dowladda Federaalka ka imanayay oo ahaa in lacagtii lagu yaboohay aysan hal doolar xitaa kasoo gaarin dowladda.

Dhankiisa, u qeybsanaha horumarinta Midoowga Yurub Andris Piebalgs, wuxuuna sheegey in lacag badan ay ku bixiyeen qeybo badan oo Soomaaliya ka mid ah sida Puntland iyo Somaliland kuwaasi oo ku baxay dhanka waxbarashada, caafimaadka iyo waxbarashada, wuxuu intaasi ku daray in iyaga aysan lacag sii marinin dowladda Soomaaliya.

Intaasi kadib, Dowladda Soomaaliya oo rajo beel ka muuqdo, waxa ay xoogga saartay dakhliga gudaha kasoo xarooda sida garoonka iyo dekeda iyo canshuuraha bariga, iyada oo la dhimmey dadaalkii badnaa ee arrimaha dibada lagu bixinayay.

Sidaasi oo ay tahay waxaa la qabtay shirar kala duwan oo dalka gudihiisa ka dhacay oo lagu sharaxayay waxa uu yahay Hiigsiga Cusub iyo sida lagu gaari karo, Shirarkaas ayaa ka kala dhacay Muqdishu iyo Garoowe, Baydaho, Kismaayo iyo meelo kale.

19 Nofeember, 2014 : Waxaa furmey shirka dib u eegista Hiigsiga Cusub ee Copenhagen, shirkaasi waxaa hareeyay arrimo badan oo ay ka mid yihiin madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha oo isku dhegnaa, waxaa uu khilaaf ka taagnaa qeexidda sida loo isticmaalayo lacagtii $2.4 bilyan ee doolar ee lagu yaboohay, waxaa intaa dheeraa maamul goboleedyada sida Galmudug , Jubbaland iyo Puntland oo  iyagu shaki ka qabay dowladda federaalka iyo sida ay usoo gaarayso lacagta la soo dhiibo.

February 6, 2015:  Waxaa dalka laga dhisay Madal Qaran, kooxdan waxaa ay noqdeen hey’adda ugu weyn dalka, shirar badan oo ay Muqdisho iyo meelo kale ku qabteen waxaa ay dhiseen guddiyo iyo hey’ado dadban oo qabtay doorashadii dalka ka dhacday 2016-kii.

Heshiisyada iskaashiga cusub, in shaki la geliyo waxaa keenaya casharridii laga bartay New Deal iyo sida uu u fashilmay, waayo 4 sano kadib lama arko barnaamijkaas wax lagu qabtay oo dhanka horumarka ah bulshada ah, dowladda madaxweyne Farmaajo waxaa heysata caqabadda ah: Ma Barnaamijkeeda qaran ayey ku socon doontaa mise barnaamijka ay soo waddo beesha caalamka?!!

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *