Fariimaha Jaceylka Ee Rasullka CSW Inoo Reebay, Ninyahoow Dha-dhansii Xaaskaaga,Waa Hubaal Jaceylkaada Ayay La Ilmeyneysaa

Filed under: Arimaha Qoyska,Wararka Maanta |

Rag badan ma garanayaan sida xaasaskooda jaceylka loo dhan dhansiiyo jaceylka

Hadaba kaalay ninyahoow oo ka baro Rasuulkeena suuban CSW sida xaasaskiina isu jecleysiin kartiin idinka oo qaadanaya fariimahaan jaceyl ee uu Nabi Maxamed CSW u diri jiray xaasaskiisa.
Ka hor intaba aanan dhihiin fariin jaceyl waxaad ogataa in jaceylka uu weyneeyno guriga yar , waa kan gurigii Caa`isha RC oo ka koobanaa 5*3 mitir balse waxaa uu ahaa guri lagu balaariyay jaceyl .

Sidoo kale waxaan oran karnaa inkastoo Nabiga CSW uu aad ugu mashquulsanaa fidinta dacwada islaamka hadana kama aysan hor istaagin arintaas in xaasaskiisa u diro fariimaha jaceylka .

Fariinta Koowaad.

Caa`isha RC waxa ay leedahay waxaan wax ka cabayay dheri aniga oo caadadii qabay , waa kan Nabiga CSW oo iga qaadaya dherigii isla markaana ka cabayay meeshii aan ka cabayay ee uu afka ii saarnaa ninyahoow miyaysan arintaan aheyn fariin jaceyl ee uu NABIGA CSW uu gaarsiinayay xaaskiisa .

Fariin Jaceyl Oo Kale.

Mar kale Caa`isha RC waxa ay leedahay , waxaan cunayay laf helib ah ka dib ayuu rasuulka CSW in uu iga qaaday ayuu afkiisa saaray meeshii aan ka cunayay , ninyahoow miyaysan aheyn fariin jaceyl.

Sidoo kale gabagabadii noloshiisa gaar ahaan Xajatul Wadaac ayay xaaskiisa Safiya waxa ay saarneed geel yar oo aan laheyn awood badan dadkii socdaalka ahaa ayay ka dib martay waxa ayna ahaayeen boqol kun .

Suura gal waa ay aheyd in uu nabiga CSW qof u diro oo soo kor meera balse isaga ayaa aaday markii ay aragtayna waxa ay la boorartay oohin waa kan Nabigeena CSW oo gacantiisa uga tiraya ilinta .

Ogaaw marka uu arintaas sameynayay Nabiga CSW waxa uu ahaa 60-sano jir hadana qalbigiisa waxaa ka buuxay kalgaceyl uu kula dhaqmayo xaaskiisa , ninyahoow qalbiga adag adna xaaskaada oo ilmeneysa ayaad ka tagi laheyd adiga oo aan weydiin waxa ka oohisiiyay.

Ninyahoow xaaskaada dhahdhansii naxariista jaceylka , kuna eeg eegmo jilicsan oo taabasho naxariis leh u samee .

Fariinta Kale

Waxaad dareensiisaa in aad daneyneyso ,markii caa`isha RC rasuulka CSW guursatay iyadoo markaas yar ayna ka soo wareegtay gurigii ehelkeeda oo ay timid gurigii Rasuulka waxa ay horay u soo qaadatay wax yaabihii ay ku cayaari jirtay (Alaaba Alaabeyda)

Waxa ayna dhinac ka dhigtay qolkeedii waa ayna dabooshay si ay u muujiso in uu yahay guri cayaareed , waa kan Nabiga CSW oo ka qaaday maradii saarneed oo leh Caaisha waa maxay waxaan isaga oo og balse waxa uu ogan lahaa in uu dareensiiyo in uu daneynayo iyada iyo alaabaheeda.

Waxa ay tiri Caa`isha RC waa arooskeyga , waxa uu markaa yiri waa maxay waxa kale ee u dhaxeeya , waxa ay tiri waa faras leh laba garab , waxa uu yiri faraska ma leeyahay garbo , waxa ay tiri miyaadan ogeyn in Nabi Suleymaan CS uu lahaa faras garbo leh , waxa ay ku dheeratay in ay u sii sharaxdo .

ninyahoow xaaskaada ihtimaam sii lana sheekeyso oo waliba ixtiraam caqligeeda , ogaaw tanina waa fariin jaceyl .

Fariinta Kale.

Caa`isha RC ayaa la weydiiyay markii uu Rasuulka CSW uu ALLE oofsaday oo la yiri sidee ayuu ku ahaa gurigiisa?
Markaas ayay Caa`isha RC tiri waxa uu ahaa bashar basharada ka mid ah waxaase uu ahaa mid qosla oo dhoola cadeyn badan , isla markaana howsha ka qabta gurigiisa.

Hadaba ninyahoow madaxa adag u istaag sidii lamaantaada aad uga caawin laheyd howsha guriga , oo jaceylka mar waliba ku nooleey qalbiga macaantaada .

Fariinta kale.

Ma uusan ka aheyn rasuulka CSW gurigiisa hogaamiye ama madax balse waxaa uu ahaa aabe , marka uu soo galayo gurigiisana dhamaan mushkiladahiisa waxa uu uga soo tagi jiray banaanka , adna saaxiboow Puntlandtimes.com waxa ay ku leedahay banaanka waad ku qososhaa waxaadna gurigaada galeysa adiga oo waji macbuus ah ,ogaaw Rasuulka CSW gurigiisa waxa uu ku ahaa mid qosla oo dhoola cadeeya farxadana wajigiisa saaran tahay .

Caa `isha CSW waxa ay leedahay waxan aheyn aniga iyo Nabiga CSW safar waxa uu iga codsaday in aan orad ku tartanno ,waan tartanay waana ka guuleystay markaas ayuu qosol la dhacay ayay tiri .

Ninyahoow fiiri Rasuula CSW ma uusan iloobin xaaaskiisa in uu dareensiiyo xiisaha uu u qabo isaga oo safar ah
Alla Sharf badanaa Rasuulkeena CSW waa kan sanado ka dib oo culeyska caa`isha kordhay , waxa uuna ka codsaday in ay tartamaan, waa uuna ka guuleystay iyaga oo ahaa markaas safar.

Fariin kale , ogaaw sabarka qeyb ayuu ka yahay jaceylka.

Safiya RC waxa ay aheyd mid ku wanaagsan cunno sameysanta , waxa ay u soo dhiibtay rasuulka CSW xoogaa cunno isaga oo la jooga Caa`isha RC.

Caa`isha RC waa ay hinaastay(Maseertay) markaas ayay weelkii jibisay , markaas ayuu yiri hooyadiin ha maseerto, hooyadiin ha maseerto, ma uusan is badelin wajigiisa ,wax fal celis ahna ma sameeyn alla arinkaan miyuusan aheyn fariin jaceyl?

Waxaa Qoray 

Cisman Xasan Cali

Kooxda48@gmail.com

Ottawa-Canada 

Comments

comments

One Response to Fariimaha Jaceylka Ee Rasullka CSW Inoo Reebay, Ninyahoow Dha-dhansii Xaaskaaga,Waa Hubaal Jaceylkaada Ayay La Ilmeyneysaa

  1. Maansha allah waad mahadsan tahay sxb cismaan xasan ali
    Iyo dhaamaan asxaabta kooxda.com
    Waa jacayl rasmiya waa inaan ku dayanaa
    Jacaylkii rasuulka(( csw) uu dumarkiisa u muujin jiray

    raygal siciid raygal
    April 14, 2017 at 8:58 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *