LA OGAADAY: Soomaaliya oo Martigalinaysa Tartamada Caalamiga ah ee Ciyaaraha,

Filed under: Ciyaaro,Wararka Dalka,Wararka Maanta |

Guddoomiyaha xiriirka kubbada cagta qaarada Afrika Axmed Axmed ayaa sheegay in dalka Soomaliya loo fasaxayo inuu martigeliyo tartamada caalamiga ah.

Guddoomiyaha xiriirka kubbada cagta qaarada Afrika oo booqasho labo maalmood ah ku tegey caasimada Soomaaliya ayaa ugu baaqay dowlada Soomaaliya inay diyaargareyso tartamo saaxibtinimo oo ay la yeelanayaan wadanka jaarka la ah ee Jabuti.

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa markii ugu dambeysay ee lagu qabto tartamo heer caalami ah waxa uu ahaa sanadkii 1988dii.

Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga dowlada federalka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa kulamadii ay la qaadatay guddoomiyaha xiriirka kubbada cagta Afrika waxa ay ugaga codsatay in loo fasaxo dalka Soomaaliya in lagu ciyaaro kulamada caalamiga ah.

“In lagu qabto ciyaaro saaxibtinimo magaalada Muqdisho waxa ay dhiirigelin doontaa ciyaaraha, isla markaana waxa ay  qeyb qaadan karaa dib u soo noqohada sharafta ciyaaraha ee dalka Soomaaliya waxaana aan ku casuumay dalka Jabuti iyo Soomaaliyaba in ay tartan saaxibtinimo qabtaan,”ayuu yiri Axmad.

Sidoo kale guddoomiyaha xiriirka kubbada cagta Afrika Axmed ayaa ballanqaaday in uu dadaal u geli doono sidii dib loogu furi lahaa garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho oo 33,000 oo ruux ay markiiba ka daawan karaan ciyaaraha. Hase yeeshee garoonka ayaa waxaa haatan u ah saldhig qaar kamid ah ciidamada nabad ilaalinta AMISOM.

Axmed oo bishii Febraayo sanadkan doorasho ugaga guuleystey Ciise Xayaatu oo muddo dheer soo hogaaminayay xiriirka kubbada cagta Afrika ayaa waxa uu fursad u siinayaa dalka Soomaaliya in ciyaaraha ay dibada u aado ay dalkeeda ku ciyaari karaan, iyadoo dalka Soomalaaliya uu ka qeybgalo tartamada qaarada Afrika waxana kulanka ay fursad u heli lahayd in ay dalkeeda ku dheesho la geyn jirey wadamada deriska la ah sida Itoobiya iyo Jabuuti.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *