Napoli Oo Ogalaatay In Kalidou Koulibaly U Fasaxaan Horyaalka Ingiriiska ,Kooxdee Ayaa Ku Dhaw Saxiixiisa

Filed under: English News |

Madaxa kooxda Napoli ayaa albabaada u furay in daafacooda Kalidou Koulibaly uu kooxda ka huleeli karo marka suuqa kala wareegga uu furmo

Laacibkaas reer Senegal ayaa si xooggan loola xariirinayaa kooxda Chelsea iyadoo macalin Conte uu saxiixa laacibkaas uu isku dayay xagaagii hore

Wargeyska La Gazetta Della Sport ayuu agaasimahaas ka yiri “miyaan dalab cusub ka helnay Chelsea kaasi oo la xariira Kalidou Koulibaly ? arintaas waxa ay ku xeran tahay laacibka”.

” Warka waa kooban yahay xiddigii aan dooneyn in uu joogo waa bixi karaa waqti waliba oo uu doonayo” ayuu sii raaciyay Kalidou Koulibaly

Koulibaly ayaa Napili u ciyaaray 75 kullan tan iyo markii uu kooxdaas uu sanadkii 2014-ka uu uga yimid kooxda Genk ee dalka Belgiam-ka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *