SAWIRRO: RW Kheyre oo kormeer kedis ah ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda DFS muxuu ku arkay?

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

MUQDISHO(P-TIMES)- Ra’iisulwasaaraha dawladda Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa subaxnimadii hore ee saaka booqasho kedis ah ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyada ee Xukuumada, oo ay hadda ka socdaan xaruntaas shaqada dawladda loo hayo.

Raysalwasaaraha ayaa qol-qol u tagay xarumaha Wasaaradda Maaliyada ee dawladda Faderaalka, waxaana uu la kulmay shaqaalaha oo shaqeynaya.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda & Wasiirka Wasaaradda Maaliyada ayaa goobta shaqada ku sugnaa, waxayna u sheegeen Raysalwasaaraha in ay subaxnimada hore shaqadan soo galeen.

Wasaaradda Maaliyada ayaa inta badan ah mid ay indhaha ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay tahay Isha dhaqaalaha ee dawladda Faderaalka oo ay ilgaar ah ku eegayan SHacabka oo dhan.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *