U Gaar Dumarka : Ragga Ma Jecla Haweeneyda 12-kaan Qodob Laga Helo ,Si Weyn Ayay Uga Cararaan

Filed under: Arimaha Qoyska,Wararka Maanta |

Haween badan ayaa waxaa ay ka cawdaan marka ay guursadaan ka dib in ninkoodu uu naag kale ka raadsaday ama la guursaday,iyaga oo ku bixiya waqti badan maseer iyo waxyaabo kale,hadaba waxaan kuu haayaa sababta keentay in ninkaadu uu naag kale kula guursado ee haddii aad leedahay dabeecadahan iska jar lagama yaabo in ninkaadu uu naag kale haweeysto,dabeecadaha waa ay badanyihiin balse waxaan ku soo koobayaa 12 dabeecadood oo baaritaano badan oo la sameeyay lagu ogaaday in nimanka oo dhan ay si wada jir ah ay u necebyihiin dabeecadahan soo socda:

1- Tan ninka iska dhigta:

dabeecadan waa mid aad u xun haweenka qabana waxaa lagu arkaa badanaa iyaga oo la tirsanaya ninkooda dhan walba,oo ay ilowday haweeneyda xaqqa uu ilaahey saaray ninkan iyo darajada uu dheeryahay,waxaa la arkaa haween badan oo raba taladooda in aysan kaga amar qaadanin ninkooda oo iskala weyn,talada wanaagsan ee ninka u soo jeediyana aanan qaadanin,sidoo kale waxaa jira kuwo iyagu hawshii laga rabay oo guriga iyo caruurta la xiriirta raba mar walba in ninku uu la qaybsado,iyada oo aysan ahay dhanka caawinta,oo ay ku dhibayaan ragooda,hadaba waxaad ogaataa haddii aad leedahay dabeecadan oo aad mar walba ku xisaabtantid in ninkaada aad isku mid tihiin oo aad isku meel dhigtid adiga iyo ninkaada gaar ahaan hawlaha adiga kuu gaarka ah in ninkaadu uu kaa daneysnayo.

2- Tan hadalka badan:

Dabeecadan waa naagta aan hadalka ka tagin oo mar waliba hadasha dooda,qaylisa,carabkeedu dheer yahay marka ay guriga joogto ama caruurta ku dhex jirta,sidoo kale waxaa ay jeceshahay in taladeeda ay noqoto tan ugu danbeysa dhan walba, maba ogola in taladeeda laga tago,arin kasta waxaa ay rabtaa in ay iyadu wax ka dhahdo oo teeda loo yeelo, xitaa marka ninkeedu u sheekeynayo ma ka sugeyso hadalka in ay wax uun tiraahdo ayey jeceshahay,waxaa laga yaabaa in ninkaadu waqtiyada hore kuu dul qaato laakiin ma sii soconeyso oo raga uma dulqaadan karaan hadalka badan ugu danbeyntiina waa uu kaa tagayaa oo meel kale ayuu kaa raadsanayaa oo aan buuq iyo hadal badnayn .

3-tan is bad badalka badan:

Noocaan waxaa lagu kartaa waa kuwo isku darsaday dabeecada khiyaanada iyo beenta iyo akhlaaqda xun,waxaa laga yaabaa in ninka uu ku wareero waqtiyada hore sidii uu ku fahmi lahaa balse marka uu ogaado ayuu ka cararaa,waxaa laga yaabaa waqtiyada hore in ninku uusan fahmin dabeecadan balse uu xilli uun ogaan doono haddii ay naagtu been u sheegto odaygeeda ama ay khiyaanto,hadaba dumarka waxaa la gudboon in ay dabeecadan iskaga haraan si uusan ninku uga tagin.

4-Tan muuqaalkeedu uu mar walba bahdilanyahay:

Waa haweenta aan is daryeelin oo aan qubaysanin isna carfin oo mar walba waxaa ka soo shiira dharkeeda raashinka ay karineysay oo aysan u kala saarneyn waqtiyada ninka la isku diyaariyo oo xitaa waxaa suurtowda in dharkeeda jiifka uu ka soo shiiro raashinka ay karineysay,xilli walba lagama yaabo in ay leedahay soo jiidasho xagga ninkeeda ah oo waa mid uskag badan.

5-Tan isku darsata dabaalnimda iyo jaahilnimada:

Waa midda aanan waxba kala garaneynin oo alaheed alah,hadal ma taqaano,si ninka loola sheekeeyo ma taqaano iskaba daa qancintee,haddii ay hadasha waxaa ay ku hadaaqdaa hadal aan maco lahayn,jaahilnimadeedana xuduud ma lahan,oo waa uun qof wadata caalamadihii lagu garanayay dumarka,raguna muhiimada ugu weyn ay haweenka ka rabaan ma ahan in ay naageestaan kaliya ee waxa ay doonaan waa nolol dhameestiran hadaba haweenka noocaan oo kale ah waxaa la gudboon in ay doqonimada iyo jaahilnimada ka baxaan oo wax kororsadaan xilli walba,xitaa ninkooda ay usheegaan in aan wax barto ayaan raba adiga i bar ama i geey goob aan wax ku barto waa in ay ku dhahaan ninkooda,laakiinse haddii ay sidooda iska ahaadaan waa la hubaa in ninku ka tagayo.

6- Tan faanka badan:

waa nooc isku maleeya in ay dadka oo dhan u qatarsantahay,odaygeeda u maleysa in uu yahay ninka aduunka ugu fiican,caruurteeda sidoo kale,waxaa ay u maleysaa in ay dagantahay guryaha kan ugu qatarsan,nolosha ay ku jirto in aysan jirin cid kale oo haysata,dadka kale umaba haysato in ay akteeda wax ka yihiin oo waa isla weyn tahay,kibirna waa u dheeryahay,wax cajab galiya ma jiraan oo aanan ka ahayn waxa ay iyadu rabto,hadaba Puntlandtimes.com waxa ay ku leedahay ragu ma jecla haweenka noocaan oo kale ah mustaqblkana waxaa ay ka raadsadaan naag kale.

Hadaba La Soco 6-da Qodob Kale Ee Haray Saacadaha Soo Socda

Haddii Maqaalkaan  Uu Ku Qanaciyay Ha Bakhiilin In Aad Asxaabtaa Facebook U Sii Gudbiso

2 Responses to U Gaar Dumarka : Ragga Ma Jecla Haweeneyda 12-kaan Qodob Laga Helo ,Si Weyn Ayay Uga Cararaan

  1. Shabakada Google Waa Tan Ugu Muhiimsan Caalamka Waxkastana Aad Kahelaysid

    Cabdi
    April 29, 2017 at 11:46 pm
    Reply

  2. rthygh

    0633872705
    May 16, 2017 at 7:11 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *