WAR DEG DEG AH: Boqortooyada Imaaraatka Carabta oo ku dhawaaqday war deg deg ah oo ku saabsan Xaaladda Soomaaliya, amartayna Warbaahinteeda…

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

ABU DHABI(P-TIMES)- Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa ku dhawaaqday amar cusub oo ay ku soo rogtay warbaahinta dalkaas, kaas oo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya in si toos ah Muqdisho looga soo tabiyo abaaraha baahsan ee kudhuftay, ka dibna dadweynaha lacag aruuris laga bilaabo.

Warbaahinta dawladda iyo tan gaarka loo leeyahay ayaa si isku mid ah u tabin doona barnaamijkan oo noqon doona mid bilowda 1-da duhurnimo ee waqtiga Soomaaliya.

Madaxda dawladda Imaaraatka Carabta ayaa soo fariisan doona barnaamijkan, waxayna lacag aruuris toos ah oo gurmadka Abaaraha ka sameyn doonaan warbaahinta Imaaraatka oo dhan.

Sidaas oo kale warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa lacag aruuristan sameyn doonto, oo barnaamijkan laga daawan doona, xili ay Soomaaliya abaaro baahsan ku dhufteen.

Saraakiil ka socota Imaaraatka Carabta ayaa kusugan magaalada Muqdisho, waxaana doraad qarax lagula beegsaday duleedka Muqdisho, inkasto ay sheegeen in aysan marnaba u joojin doonan falalka noocaas ah gargaarkooda.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

Comments

comments

One Response to WAR DEG DEG AH: Boqortooyada Imaaraatka Carabta oo ku dhawaaqday war deg deg ah oo ku saabsan Xaaladda Soomaaliya, amartayna Warbaahinteeda…

  1. DAWLADA IMARADKA CARABTA ILAHA KHAYR BADAN HASIYO WA DAWLADA KALIYA EE DADKA SOMALIYED EHEL U’AH SIDA LAGA WARQABO DAWLADDA IMARADKA CARBTA WA DAWLAD 1AAD EE SIDA MUQATA UTAGERTA DADKA SOMALIDA AH,WAXA WAX LAGU FAROXO AH SIDA HAGAR LA’ANTA AH EE AAY UCAWISO UMMADDA SOMALIDA,ILAHAY KHAYR BADAN OO AAN LASO KOBI KARIN HASIYO IMARAADKA CARABTA EE AAN WALALAHA NAHAY.

    mohamed sulub
    April 21, 2017 at 1:00 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *