WAR DEG DEG AH: Dawladda Imaaraatka Carabta oo ku dhawaaqday Lacagtii ugu badneyd oo loogu deeqo Soomaaliya, Daahana ka rogtay…

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

MUQDISHO(P-TIMES)- Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa daaha ka rogtay lacagtii ugu faraha badneyd ee ay dawladda Carbeed ugu yaboohday Soomaaliya waqtigan xasaasiga ah, waxaana lacagtaas toos loogu bixin doona arrimaha Maalgashiga, Dibu dhiska dalka, Ciidamada, Miisaaniyada dawladda & Danta guud ee Ummadda Soomaaliyeed.

Sanduuqa Horumarinta ee Imaaraatka Carabta ayaa ku dhawaaqay in aduun gaaraya $89.8 Malyan oo Dollar ay ugu deeqeen Soomaaliya.

Sanduuqu wuxuu ugu talo-galay lacagtan maalgashiga, Miisaaniyada Soomaalida, Dibu dhiska, ciidamada iyo arrimaha muhiimka ah ee Soomaaliya, iyadoo ay garab socdaan kaalmad Abaaraha iyo u gurmashada walaalahooda Soomaaliyeed.

Sida ay sheegay wakaaladda wararka ee dalka Imaaraadka, Sanduuqan waxaa gacan ka geysan doona dhaqaalaha liita ee Soomaaliya sida kor u qaadista dhaqaalaha shacabka, fududeynta heerka nolosha iyo hor-u-mar dhaqaale oo waqti dheer ah in la gaaro.

Sanduuqa Taageerada Afrika waxaa uu sheegayaa in xoogga uu saari doono arrimaha dhismaha, ballaarinta waddooyinka iyo dib u habeyntooda, dhismaha buundooyinka iyo ganacsiga iyo waxsoorka ee Soomaaliya in gees ka gees kor loo qaado.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

One Response to WAR DEG DEG AH: Dawladda Imaaraatka Carabta oo ku dhawaaqday Lacagtii ugu badneyd oo loogu deeqo Soomaaliya, Daahana ka rogtay…

  1. Dawladda imaradka carabta ilahau kor hakayelo wa dawlad wanagsan oo muslim ah,oo deeqsi ah.

    mohamed sulub
    April 20, 2017 at 1:48 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *