Xog : Mareykanka Oo Qaxootigii Ugu Badnaa Ee Somali Ah Ka Musaafurineysa Dalkaas ,Safaaradda Somaliya Ee Dalkaas Ayaa Qirtay

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

Afhayeen u hadlay waaxda socdaalka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Washington go`aansatay in 5 kun Somali qaxooti ku ah dalkaas ay ka musaafuriyaan wadankaas.

Waxa uu sheegay in tiradaas ay isugu jiraan kuwo loo diiday codsigooda magangalyo doonka iyo kuwo ku tuntay sharciyada dalkaas sida uu hadalka uu u dhigay .

Afhayenkaas ayaa xusay in 481 qof ay biloowgii bishaan heleen amarka looga saarayo dalkaas ayna jiraan 237 qof oo durba loo tarxiillay Somaliya

Safirka Somaliya ee Mareykanka ee Axmed Ciise Cawad ayaa xusay in safaaradda ay ka war heshay in dowladdda Mareykanka qorsheynayaan in ay tarxiilaan illaa 5 kun somali ah sidaas oo ay tahayna dadkaas laguma xareyn xarumaha dadka la musaafurinyao lagu hayo .

Lama hellin goorta dadkaas tirada badan lagu celinayo Somaliya balse xogo kala duwan ayaa muujinaya in Mareykanka go`aansaday in 5 kun Somali ah ay tarxilaan

One Response to Xog : Mareykanka Oo Qaxootigii Ugu Badnaa Ee Somali Ah Ka Musaafurineysa Dalkaas ,Safaaradda Somaliya Ee Dalkaas Ayaa Qirtay

  1. ASC.
    Dadka maanta la leeyahay waxaa laga masaafurinayaa Ameerika waxaa lagu sheegay labo nooc.Labadaas oo kala ah dad ay dawlada Maraykan diiday dacwadihii ay soo qorteen oo laga diiday in la aqblo iyo kuwo la yiri dambiyay galeen intay joogeen Ameerika.Anigu waxaan oran lahaa kuwa galay dambiyada xun-xun sida Maandooriyaha iyo faro xumaynta haweenka deg-deg ha loo dhoofiyo.Waayo kuwaasu meelna Kuma fiicna.Qolada la yiri waa la diiday ARAAJIDOODII waxaa ila habboon in dib loogu noqdo kiisaskooda oo la kala shaandheeyo.Waxaa ayana muhiim ah loo tix galiyo ninkii uu maraykan u joogaan xaas iyo caruur.Sababtoo ah haddii nin reerkiisii laga dhoofiyo haddeed reerkiisii waxaa ka masuul noqonaysa ameerika.Taasna dani uGu jirto ameerika.

    Atoore
    April 19, 2017 at 8:49 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *