XOG MUHIIM AH: Golaha Xukuumada D.F oo arrin xasaasi ah ka doodaya & RW Kheyre oo jawaab laga sugayo.

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

MUQDISHO(P-TIMES)- Golaha Xukuumada Faderaalka ee Soomaaliya ayaa maanta dood adag ka yeelan doona arrimo xasaasi ah oo ku saabsan waxyaabihii uu Raysalwasaaruhu ku soo arkay Wasaaraddaha uu booqday, Agaasimayaal guud oo dib loo eegayo & Qadiyadda ku saabsan Mashaariicda DP World ay ka fulinayso dekedo kamid ah Soomaaliya.

Warar hoose ayaa sheegaya in Ajendaha golaha Xukuumada ay ku jirto arrinta la xariirta doodii shalay Xildhibaanada baarlamaanku ka yeesheen qadiyada la xariirta Mooshinkii Imaaraatka Carabta.

Golaha ayaa laga sugayaa jawaab ku aadan waxay ka og yihiin talaabooyinka ay Imaaraatku wado taas oo ah arrin xasaasiyad gaar ah leh waqtigan, maadaama labada dal uu iskaashigoodu sii kordhayo.

Doodaha xiisaha leh waxaa kamid ah Wada hadalada Ahlu Suna & Galmudug oo aan wali natiijo sax ah ka soo bixin, maadaama wasiiradda ka soo jeeda gobaladaas.

In xilalka dibu eegis lagu sameeyo Agaasimayaasha Wasaaraddaha ayaa kamid ah arrimaha la hadal-hayo, waxaana lafilayaa in xilalkooda ay waayaan shaqsiyaad mudo dheer soo hayey Agaasimayaasha Wasaaraddaha dawladda faderaalka qaarkood.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *