XOG MUHIIM AH: Waa maxay Ujeedada Socdaalka M/weyne Gaas ee dalka Itoobiya ku aadayo maanta?

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

GAALKACYO(P-TIMES)- Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku sii jeeda dalka Itoobiya, isagoo shalay kusugnaa magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Socdaalka Madaxweynaha Puntland ee dalka Itoobiya waxaa ku wehlin doona xubno kamid ah golaha Xukuumada & Madaxtooyada, waxaana ay goor dhaw duuli doonana magaalada Gaalkacyo.

Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa ah in ay la kulmaan Madaxda Shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee CCECC oo ay ka wada hadlayaan dhismaha madaarka magaalada Gaalkacyo oo ay horey heshiis ula galeen.

Wararka ayaa sheegaya in soo laabadka Madaxweynaha ay soo raaci doonaan saraakiil khuburo ah oo ka socda shirkadaas soona gaara magaalada Gaalkacyo & Garoowe oo ay labo mashruuc ka fulinayaan.

Xog kale ayaa sheegaysa in uu halkaas Madaxweynaha Puntland uu kula kulmi doono shirkado kale oo ku aadan maalgashiga & Kheyraadka sidii looga faa’iideysan lahaa, iyadoo ay Puntland shirkadahan xooga saarayaan in ay keenan Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay  in ay kal hore xooga saarayaan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee mandiqada, si loo helo Shaqo abuur iyo mashaariic ay bulshadaasi ka faa’iidaan.

Wariyaasha ayaa lafilayaa in uu garoonka Gaalkacyo kula hadlo Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ka hor inta uusan ka dhoofin madaarka Gaalkacyo.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

Comments

comments

5 Responses to XOG MUHIIM AH: Waa maxay Ujeedada Socdaalka M/weyne Gaas ee dalka Itoobiya ku aadayo maanta?

  1. Haded wa ti laoranayey nin wadanka kadhofi kara oo aan farmajo ma’ogala arintasi side iusu qaban karta?mise hoos ayey iska ogyin?.

    mohamed sulub
    April 20, 2017 at 1:44 pm
    Reply

  2. War ninkani itobiyo jecela maxaa uga lumay waxaa igu maqaala inuu ugeynayo wixii madaxda somaliyeed ay hoos ugu wadleen qaar kalena waxay lahaayeen gabre inuu arko maahane miyirsan maayo farmaajo haduusan talaabo kaqaadin ninka cadaystay jaajuusnimada hade xilka hayska dhiibo kasoo kale maba aha inuu kaqayb galo meel somali kushirayso

    cubeyd
    April 20, 2017 at 2:33 pm
    Reply

  3. KU:Cubeeyd.
    War heedhee labo sano ka badan baan kuu sheegayey waxa ad tahay iyo fakarkaaga Mooryaanimo.War Gaas waxbuu dhisaa adiguna waad DUMISAA.Gaas waxbuu hagaajiyaa adiguna waad QARIBTAA.Gaas waxbuu Daaweeyaa ADIGUNA WAXAAD XASUUQDAA DADKII CAAFIMAADKA QABAY.Miskiin yahoow sababaha uu Gaas u aado Itoobiya waa dano guud iyo mashruucyo wada muhiima.Huutuu Yahoow Itoobiya waxaa Dagan Shirgadihii waagii hore joogi jirey xamar oo adigaas Mooryaankaa kaa cararay.Waxaa Jaajuus ah kan Gebre soo dajiyey villa xamar ee u geeyo waxii uu u baahdaba.Waxaad dhaqan iyo caado u leedahay in aad canbaaraysid qofkasata oo wada wanaag iyo horumar.Waayo waxaad necebtahay horumarka iyo nabada.Taasina waa sida lagu yaqaan Mooryana adigoo kale ah.Calaa kulli xaal intaad XASTAYSEY REER PUNTLAND OO AD XASUUQAYSEY SHACABKA XAMAR BAY REER PUNTLAND QAADEEN TILAABOOYIN DHAA-DHEER.Halkaas waligaa fadhi Huutuuyoow.La yaab ma lihid oo waxaad faraha la gashay wax adan shaqo ku lahayn.War maxaad ka taqaan maamul dawladeed Kaawaad dhagaxanta ka qodi jirtee.

    Atoore
    April 20, 2017 at 3:36 pm
    Reply

  4. KU:Muxammad Sulub.
    Wali lama hayo meel lagu yiri Ina Farmaajo kaliya baa soomaali dayuurad ka raaci kara.Gobalada wadanku way u madax banaan yahiin arimahooda hoose.Haddase soomaali wali ma ay wada heshiin oo wali waxaa lagu jiraa dhammaadkii dagaalkii sokeeye.ILLaa ay dawlada xamar la timaado sharuudihii lagu wada heshiiyey Puntland xor bay u tahay danaheeda gaar ahaaneed.

    Atoore
    April 20, 2017 at 3:43 pm
    Reply

  5. Itobiya shirkada degen ayuu utagay waxaas miyaad lasoo shirtagtay hadaadan xishoonayn waxaa doonto kuhadal itobiya ayaa waxnoo dhisaysa miyaad lasoo shirtagtay caaq baad tahay itobiya waa shuuci shirkado dagan majiraan waxaad wax sheegaysaa dad kaa aqoon badan qabyaalad baa Indhaha kutirtay

    cubeyd
    April 21, 2017 at 1:15 am
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *