Xog : Wenger Oo 7 Xiddig Ka Fasaxaya Arsenal , Ozil Iyo Sanchez Ayaa Ku Jira ,Yuu Doonayaa In Uu KeenoKooxda ?.

Filed under: Ciyaaro,Wararka Dalka |

Ka dib markii ay shalay soo baxeen wararka sheegaya in Arsenal ay gacanta u gilinayaan macalin Wenger qarash dhan 200 ayaa waxaa haatan soo baxaya qorshayaasha macalinka oo ka doonayo suuqa kala wareegga

Daily Mirror waxa ay sheegayaan in tababare Wenger oo saxiixayo qudhiisa hishiis laba sanno ah xilli lacagtaas uu ku keenayo xiddigo cusub oo ay ugu muhiimsan yihiin weererayahanno iyo daafacyo

Macalinka waxa xor loo siinayaa in maskaxdiisa uu ka adeegto mana jirayo xiddigo maamulka kooxda ay la soo xulayaaan

Dhanka kale Wenger ayaa damacsan in uu iibiyo xiddigo ay ka mid yihiin Ozil,Sanchez ,Chamberlain,Giroud,David Ospina, Lucas Pérez iyo Jack Wilshere oo amaah haatan uga maqna kooxda.
Xiddigaha Wenger doonayo in uu kooxda ku xoojiyo ayaa ka ciyaaraya boosaska kala ah , hal goolhaye ,laba daafac , weerar, qad dhexe iyo laba xiddig oo garabka ah

Waxaa xiddigaha Arsenal doonayaan in ay xoogga saaraan saxiixooda xagaagaan ku jira weeraryahanka Lyon ee Lacazette , Moussa Dembélé oo Celtic ah , Kieran Tierney oo Cletic ah isna iyo Wilfried Zaha oo C. Palace ah

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *