XOG XASAASI AH:- Gudoomiyaha Cusub Ee G. Banaadir Taabit Oo Albaabada Ka Xirtay Ku Xigeenadiisii Iyo P-TIMES Oo Heshay Xog..

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

(SIYAAD)-Wararka aan ka heleyno xarunta gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed uu albaabada ka xirtay Ku xigeenadiisa iyo Gudoomiyaasha Degmooyinka.

Gudoomiyah oo maalmo kahor xilka si rasmi ah ula wareegay ayaan wali wax kulan ah la qaadan Gudoomiye kuxigeenada iyo sidoo kale Gudoomiyaasha Degmooyinka, waxaana la sheegay in Gudoomiyaha uu ku mashquulsan yahay isbadal lagu sameeyo xubnahaasi.

Booqasho uu maalin kahor ku tagay Gudoomiyaha gobolka Banaadir Degmada Dayniile ayaan xitaa lagu wergalin ku xigeenada, mana jirin wax masuul ah oo katirsan gobolka oo Gudoomiyaha booqashadiisa ku wehliyay marka laga reebo qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka.

Xil ka qaadis lagu sameeyo Gudoomiye kuxigeenada gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka ayaa hada miiska saaran, waxaana dhawaan la filayaa in Gudoomiyaha cusub uu isbadal deg deg ah sameeyo.

Sida aan wararka ku helnay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa yeelan doona sadex Gudoomiye kuxigeen oo la sheegay in mid kamid ah ay noqon doonto Haweeney, waxaana meesha ka bixi doona Gudoomiye kuxigeenada hada shaqeeya.

Dadka Muqdisho ayaa kula taliyay Gudoomiyaha gobolka Banaadir in uusan isbadal mar qura kuwada sameyn Gudoomiyaasha Degmooyinka balse uu xilalka ka qaado kaliya kuwii waajibaadkooda kasoo bixi waaya.

ISHA KU HAAY WARARKEEENA RIIX HALKAAN

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *