Home » 2017 » May » 16
AKHRISO: Shir u socday D. Faderaalka & Dawlad gobaleedyada oo go`aamo xasaasi ah laga soo saaray

AKHRISO: Shir u socday D. Faderaalka & Dawlad gobaleedyada oo go`aamo xasaasi ah laga soo saaray

MUQDISHO(P-TIMES)- Kulan looga hadlayay Arrimaha dibu eegista Dastuurka Soomaaliya ayaa lagu soo gaba-gabeeyey magaalada Muqdisho, kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dastuurka ee dawladda Faderaalka, oo hadda dadaal ugu jirta in meelmar laga dhigo Dibu qoridda Dastuurka dalka. Dawladda Soomaaliya ayaa xooga saaraysa in la helo Dastuur laysku haleyn karro, oo ay curiyaan Shacabka Soomaaliyeed. […]

DF Soomaaliya oo si xoog ah kula wareegtay Qalab ay lahayd Hay’adda ICAO oo iska maamulata Hawada Somalia

MUQDISHO(P-TIMES)- Wararka Puntlandtimes ka soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa daaha ka rogaya in ay dawladda Soomaaliya la wareegtay Qalab ay lahayd Hay’adda maamusha Hawada Soomaaliya ee magaceedu yahay ICAO, taas oo uu khilaaf adag kala dhaxeeyo dawladda Faderaalka. Hay’adda qalabkeedan ayaa ku jiray Kunteenarro, waxaana si khaldan uu ku soo gaaray Dekeda magaalada Muqdisho, baaris […]

Continue reading …
XOG AKHRISO: Maxay ku heshiiyeen DF Soomaaliya & Beesha Caalamka Shirkii LONDON, oo aadan ogeyn?

Shirkii Soomaalida loogu qabtay London 11-kii May ee bishan waxaa laga soo saaray heshiis cusub oo lagu badalay barnaamijkii New Deal-ka, qorshahan cusub oo loo bixiyay New Partnership(Heshiiska iskaashiga cusub) waxaa Soomaaliya lagu hagi doona sanadaha soo socda. New Partnership waxaa heshiis cusub oo ay isla galeen Soomaalida iyo beesha caalamka, waxaa ku jira arrimaha siyaasadda, […]

Continue reading …
XOG DEG DEG AH+AKHRISO: Warar xasaasi ah oo ku saabsan Kordhinta baarlamaanka Puntland & PTIMES oo heshay xog muhiim ah…

GAROOWE(P-TIMES) – Saacadihii ugu dambeeyey warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qorshaha kordhinta baarlamaanka Puntland oo ay Madaxtooyadu u gudbisay arrintaas guddoonka golaha Wakiilada Puntland. Guddiga Joogtada ah ayaa shalay yeeshay kulan adag oo ay uga doodayeen in qorshahan lagu darro Ajendahaha kalfadhiga golaha ee furi doona bisha June ee fooda nagu soo haysa. […]

Continue reading …
DHAGEYSI XASAASI AH: Prof, Cali Khaliif Galeyr oo si adag uga hadlay Kordhinta baarlamaanka PL, Si adagna u sheegay….

BUUHOODLE(P-TIMES) – Prof Cali Khaliif Galeyr oo sheegta Madaxweynaha Khaatumo, haddana wada hadal kula jira Somaliland ayaa isagoo kula hadlayey madal qaar kamid taageerayaashiisa wuxuu ka hadlay arrimaha ku saabsan Kordhinta Xildhibaanada Puntland. Prof, Galeyr oo lagu yaqaano neceybka uu u qabo qabaa’ilo gaar ah, ayaa sheegay in aysan marnaba aqbaleynin arrimaha kordhinta, marar badan […]

Continue reading …
UPDATE: 3 bilood ka dib maxaa u qabsoomay M/weyne Farmaajo?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay khudbad xasaasi ah ka jeediyey madal lagu maamusayo Asaaskii Ururkii SYL ee gobo-nimo-doonka Soomaaliyeed, isagoo si faahfaahsan uga hadlay waxyaabihii u qabsoomay 3 bilood ee lasoo dhaafay. Madaxweynaha ayaa sheegay in saddexdii bilood ee talada dalka hayay ay qabteen inay soo celiyaan karaamadii ummadda Soomaaliyeed uu adduunka ku lahaa, […]

Continue reading …
DHAGEYSI XASAASI AH: Xukuumadda Soomaaliya oo diyaarisay Mooshin xasaasi ah oo la horgeynayo baarlamaanka Faderaalka

MUQDISHO(P-TIMES)- Golaha Xukuumada Faderaalka ee Soomaaliya ayaa ka fakaraya Hindise magaca looga bedelayo Erayga Canshuurta oo ay qaado dawladdu, laguna bedelayo Qaaraan-Qaran sidda uu xalay sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Madaxweynaha ayaa sheegay in Qaaraan-Qaran uu yahay mid muhiim ah oo ay wada bixin karaan Soomaalida, laakiin Canshuur ay tahay arrin aysan jecleyn Shacabka […]

Continue reading …
XOG MUHIIM AH: Maxay ka wada hadleen RW Kheyre & Dhigiisa Norwey

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah kula yeeshay Magaalada Doha ee dalka Qatar, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Norwey Børge Brende, waxayna ka wada hadleen arrimo ku aadan horumarinta xiriirka labada wadan. Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimda ay leedahay sii xoojinta xiriirka labada dal ee soo jireenka ah. Waxaana uu si […]

Continue reading …
DEG DEG: M/weynaha Soomaaliya oo si deg deg ah ugu socdaalaya Sacuudi Careebiya & Xog laga helay

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kedis ah ugu dhoofaya maanta dalka Sacuudi Careebiya, ka dib markii uu casumaad ka helay mar kale Boqortooyada Sacuudi Careebiya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey loo qorsheeyey in uu Arbacada 17 May 2017 u socdaalo dalka Masar, laakiin wararka ayaa sheegaya in safarkaas uu […]

Continue reading …
Madaxweynaha DF Soomaaliya oo war farxad leh uga dhawaaqay Muqdisho

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kaga dhawaaqay xalay magaalada Muqdisho in ay bilaabi doonaan Barnaamijkii horey Dawladdii Kacaanku ay ugu dhistay dalka ee ahaa ISKAA WAX U QABSO, kaas oo lagu dhisi doono markale Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in ay qof kasta oo kunool magaalada Muqdisho hadda ka doonayaan 2 […]

Continue reading …