UPDATE: Golaha Xukuumada Somalia oo leh kulan xasaasi ah oo ay uga hadlayaan Mooshinka Nairobi

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

MUQDISHO(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayaa sheegaya in ay xubnaha golaha Xukuumadu leeyihiin kulan xasaasi ah oo uu shir gudoominayo Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka Xasan Cali Kheyre.

Ajendayaasha ugu muhiimsan ee kulanka saaka waxaa kamid ah.

  1. Safarkii Raysalwasaare Kheyre ee Doha
  2. Shirkii ku soo gabagaboobay London iyo sidii loo xoojin lahaa ka miro-dhalinta go’aamadii soo baxay
  3. Siddii go’aam mideysan looga qadan lahaa Daganaansho la’aan siyaasadeed oo hadda bilowda
  4. Dilkii Wasiir Cabaas Cabdullaahi Siraaji oo ay guddigii loo xilsaaray baaritaanadii soo afjareen.
  5. Canshuuraha dalka oo laga wada hadli doono iyo sidda ugu muhiimsan ee loola dagaalami karro Musuqmaasuqa.
  6. Sidaas oo kale qodobada laga doodayo waxaa kamid noqon doona Safiiraddii oo aan la ansixin todobaadkii lasoo dhaafay.

Qodobada xasaasiyada leh waxaa kamid ah dhacdada Dhacdadii dilka Wasiirka oo aan wali talaabo laga qaadin, welwelka Xukuumada ee Shirka Nairobi iyo qodobada magacaabida Safiiradda cusub ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *