RW Kheyre oo si deg deg ah ugu soo laabanaya Muqdisho & Walaac lasoo gudboonaaday

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

MUQDISHO(P-TIMES)- Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si deg deg ah maanta ugu laabtay caasumada dalka, isagoo soo gaabinayay safar uu ku joogay dalka Qadar oo ku joogay booqasho rasmi ah.

Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa hadda ay soo wajahday xaalad adag oo dhanka Mooshinada ah, waxaana hadda ku furmay kiisas la xariira musuqmaasuq iyo waxqabadkiisa oo aan la mahdin sidda ay sheegayaan Mudanayaal baarlamaan.

In ka badan 100 Xildhibaan oo ku shiray magaalada Nairobo labo maalin kahor ayaa ku dhawaaqay in ay la xisaabtamayaan Xukuumada RW Kheyre.

Mr. Kheyre waxaa lagu haystaa in awoodda u isticmaalay wasaaraddaha dawladda qaarkood, gaar ahaana Maaliyada & Warfaafinta oo la xaqiijiyey in uu shaqsiyaad ka qaaday xilalkii ay hayeen, kuna bedelay kuwa ka soo jeeda beeshiisa.

Sidaas oo kale hab qeybsiga awoodeed ee golayaasha dawladda iyo kutumashada awooda rasmiga ah ee uu leeyahay ayaa sidaas oo kale doodaha kamid ah, kuwaas oo dhankooda u arkaya in ay khalad ahaayeen.

Dadaal xoog badan oo uu isku difaacayo ayaa lafilayaa in uu gudaha u galo bisha fooda nagu soo haysa, waxaana hadda meel xasaasi ah maraysa arrintan socota.

Madaxweynaha & Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa isku raacay in magaalada Nairobi ay tagaan wafdi ka socda guddoonka golaha Shacabka oo ay la kulmaan Xildhibaanadaas, kuna soo celiyaan gudaha Soomaaliya.

One Response to RW Kheyre oo si deg deg ah ugu soo laabanaya Muqdisho & Walaac lasoo gudboonaaday

  1. kuwaas wax kuma yeelan doonaan insha allahh xidig iyo inta kufikirka ah
    waa lala xisaabtami doonaa
    dhaartii aya mareena way hortaala xaga aakhiro iyo aduunkaba القافلت تسير والكلاب تنبح

    samow cali
    May 17, 2017 at 5:56 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *