DHAGEYSI XASAASI AH: Mid kamid ah Xildhibaanada PL oo si adag uga hadlay arrimaha Kordhinta baarlamaanka?

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

GAROOWE(P-TIMES)- Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar Surcad oo kamid ah Guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga hadlay qorshe ka yimid Madaxtooyada Puntland oo lagu doonayo in lagu furo tiradda golaha Wakiilada.

Mr, Surcad oo la hadlay warbaahinta gudaha ee Garoowe ayaa sheegay in aysan waqtigan isagga u muuqan baahi loo qabo in la jabiyo Qodobo dastuuri ah oo gudaha loo galo, xili ay jiraan arrimo badan oo aan waqtiga ogolaaneyn.

Surcad wuxuu qiray in ay jiraan beelo badan oo katirsan dadkii dhistay Puntand oo aan kuraas baarlamaan ku laheyn golahan hadda jira, balse ay waajib tahay in ay Xukuumadu ummadda waxqabad gaarsiiso.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay jiraan tabashooyin badan oo laga qabo arrintan, ayna jiraan dad badan oo siyaabo kala duwan uga hadlay, laguna soo beegay xili ay dawladda hadda talada haysa waqtigeeda rasmiga ah ka harsan yihiin wax ka yar labo sanno.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

One Response to DHAGEYSI XASAASI AH: Mid kamid ah Xildhibaanada PL oo si adag uga hadlay arrimaha Kordhinta baarlamaanka?

  1. Beesha Cali Ibrahim ayaa si adag u diidan kordhinta tirada baarlamaanka puntland ee beryahan laysla dhaxmarayo.waxayna arintaan Ku tilmaantay sharci daro ka soo jeeda distuurka.waana arin aan cadaaladda sal iyo baar Ku lahayn.Laguna burburinayo maamulka aan cagaha badan Ku taagneyn.dano siyaasadeedna laga leeyahay oo dad loogu sad burinayo kuwa kalena lagu dulminayo.

    Abdulkadir warsame koshin
    May 17, 2017 at 2:35 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *