FALANQEYN XASAASI AH: M/weyne Farmaajo Beesha Hawiye wuxuu u sameeyey wax aan horey u dhicin, Xaqna aysan u laheyn, Balse maxaa ka dhashay?

Filed under: Falaanqeyn,Wararka Dalka,Wararka Maanta |

MUQDISHO 8 May 2017 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tan iyo markiii lagu dhawaaqay golaha wasiirada iyo taliyayaasha Ciidamada waxaa soo food saaray culeys weyn oo kaga imaanayey beelaha Soomaaliya oo Madaxweynaha ku eedeeyey inuu wax xad dhaaf ah u sameeyey Beesha Hawiye.

Marka laga soo tago Beesha Hawiye, waxaa jiro beelo kale oo aan ku qanacsaneyn sida uu wax u wado Madaxweyne Farmaajo, maadaama ay sheegeen inuu Hawiye u sameeyey wax aan horey u dhicin.

la gartay beelaha kale, balse ilaa hadda waxaa wax lala yaabo noqotay inay Beesha Hawiye ka dhawaajiyeen inuu madaxweynaha qalad ka sameeyey marka loo fiiriyo sida uu xilalka u magacaabay waxayna culeyska kusii badiyeen Farmaajo oo markii horeba ay heystay culeyska dowladda oo laga sugayo inay wax badan ka fiicnato dowladihii hore usoo maray Soomaaliya.

Marka la iska iloobi xilalka badan ee uu Farmaajo u magacaabay Hawiye, waxaa jiro beelo ka mid ah Hawiye oo ka dacwoonayo xil ka qaadis lagu sameeyey shaqsiyaad kasoo jeedo oo weliba laga yaabo in loo magacaabo kuwa kale oo isla beesha ah.

Maxaa loo sameeyey Beesha Hawiye

Farmaajo wuxuu isku dayey inuu Beesha Hawiye qanciyo, balse ma aysan qancin, mana aysan arkin waxa uu madaxweynaha u sameeyey Hawiye.

Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ayaa Beesha Hawiye siiyey lix wasiir halka Beelaha kale ay qaateen 5 Wasiir, midaas oo ay ka timaaday Su’aali badan oo ku aadan sida ay Hawiye u mudnaantay in la siiyo wasiir dheeri ah, waxayna midaas keentay inay Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha culeys kala kulmaan inay wasiiradii la magacaabay hor geeyaan Golaha shacabka madaama ay culeys badan kala kulmeyn Xildhibaan badan oo tilmaamay in magacaabista wasiirada ay ka hor timaaday hab qeybsiga beelaha.

Si kastaba, ugu dambeyntii Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ayaa dhexda u xirtay sidii Baarlamaanka loo dhaafin lahaa wasiirka dheeriga ah ee la siiyey Beesha Hawiye, waxayna guul weyn ka heleen Baarlamaanka Soomaliya.

Markii midaas laga soo gudbay, haddana Madaxweyne Farmaajo wuxuu sameeyey arrin kale oo ay dad badan wax iska waydiiyeen markii uu Madaxweynaha isbadal ku sameeyey taliyayaashii ciidamada markaas oo loo badiyey Hawiye, si xad dhaaf ahna loogu sad buriyey, lana buriyey Sharcigii iyo hab qeybsigii hore.

Beesha Hawiye ayaa la siiyey Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya iyo Taliyaha nabad sugidda oo loo kala magacaabay General Axmed Maxamed Jimcaale (General Cirfiid), iyo C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ah laba shaqsi oo kasoo jeedo Beesha Hawiye.

Tallaabadaan uu qaaday Madaxweyne Farmaajo ayaa noqotay markii ugu horeysay ee dhawaanahaan Hawiye la isugu daro Taliyaha ciidamada Xoogga (Militariga) iyo Taliyaha Nabadsugidda, midaas oo muujineyso in gacanta loo geliyey ciidamada Soomaaliya beesha Hawiye, inkastoo ay iyagana ku doodayaan in ciidamada ugu badan ee dowladda iyaga ay yihiin isla markaasna ay mudan yihiin in sidaas loo sameeyo, maadaama askarta ugu badan ee dowladda ka dhimaneyso ay kasoo jeedaan Hawiye.

Xilalka kale ee Beesha Hawiye heystaan waxaa kamid ah Taliyaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Maareeyaha Dakadda Muqdisho, Maareeyaha guud ee Hey’adda saadaasha iyo duulista Hawada Soomaaliya, xilka Ra’isulwasaaraha oo ay hab qeybsi beeleed ku heleen, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ay deegaan ahaan ku heleyn iyo xilal kale oo aan halkaan kusoo koobi karin.

Iyadoo intaas loo sameeyey, haddana ma jirto ilaa hadda beel aan Hawiye aheyn oo madaxweyna si toos ah uga hor imaaneyso, midaas waxayna noqoneysaa sumcad darro iyo qaran dumis, waxaana wax laga xumaado ah in beeshii uu Madaxweynaha qurxiyey ay ka dhib badnaato beelihii kale ee iyaga wax ka maqnaayeen.

Sidaas Darteed Beesha Hawiye waxaa la gudboon inay culeyska ka qaadan Madaxweyne Farmaajo isla markaasna ay ogolaadaan inay Soomaaliya horey u socoto, kana gudubto sheekada qabiilka loona gudbo sidii si wadajir ah looga wada shaqeyn lahaa inaysan Soomaaliya ku laabaan wixii horey usoo dhacay

Marka aan sidaas leeyahay ha u fahmin inaan ahay shaqsi kasoo jeedo Beel Kale, balse waxaan ahay Hawiye, Macquulna maahan inaan Beesheeda ku taageero dumiska qaranimda Soomaaoya iyo ka hor imaadka Farmaajo oo ah madaxweyne ay shacabka ka leeyihiin rajo weyn.

Taariikhda way qori doontaa, cidda sababta u noqoto inay Soomaaliya ka dhaqaaqi weyso halka ay maanta Joogto, waxaana Farmaajo ugu baaqi lahaa inuu si hoose oo wadahadal ah ugu sheego abaalka uu Hawiye u sameeyey isla markaasna ka codsado inay joojiyaan mucaaradnimada.

Muddo 8 Sano oo xiriir ah ayey Hawiye ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya, marka laga hadlayo dhabtana ma jirin culeys weyn oo beelaha kale uga imaanayey, maatana waxaa wax laga xumaado ah in Hawiye oo ay dowladda Marti ugu tahay Caasimadda ay noqdaan kuwa ugu horeeyo ee mucaarado.

Ugu dambeyntii waxaan leeyahay Farmaajo wuu u roonaaday Hawiye welina qeyladooda way socotaaa!!!!!

W/D: Cabaas Cali Xasan (Xaliye)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Puntlandtimes.com.

Puntlandtimes, waa Shabakad u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada farahabdulkadir710@gmail.com

 

8 Responses to FALANQEYN XASAASI AH: M/weyne Farmaajo Beesha Hawiye wuxuu u sameeyey wax aan horey u dhicin, Xaqna aysan u laheyn, Balse maxaa ka dhashay?

  1. Abbas ali haasan hadalka ushegay wa hadal macquul ah hase ahate tas waxan uga jeda Abbas ali xueesen rerihina Hawiye ilahay matusin wanaga madaxweyne ina farmajo usameyey masulin tiro lah & kuwo loso wado,mana jirto cid uga sadroon kuxumada mr.farmajo.

    mohamed sulub
    May 8, 2017 at 1:23 pm
    Reply

  2. M.sabiil
    Farmaajo hawiye wanaag uma sameyn ee iyagaa wanaajiyey markii ay iyagoo arkaya rag hawiye ah isaga ay kadoorteen maamulada hawiye kama hor iman carab&xabashi heshiisyo lama soogelin maamulada hawiye waxaa loo diidan yahay inay dakadahoodii&garoomadoodii loo diiday inay furtaan waliba iyagoo dhulkoodii marti loo yahay canshuurtii gobolka banadir ay dowladu kushaqayso marka hawiye somali iyagaa isku haya waxba uma sheegi kartid adigoo ay somalinimo kaala wayn tahay majeerteenimo

    cubeyd
    May 8, 2017 at 2:21 pm
    Reply

  3. M.Sabiil so ma’ogid hadii muqdisho laga guro in Hawiye sidisi iscunayo,mida kale muqdisho in uusan reer lahan oo ummadu wada ledahay tas mala socota?

    mohamed sulub
    May 8, 2017 at 2:40 pm
    Reply

  4. Asc
    Qoraalkan was sax hawiye caqdaradii lasiyey ayey imaan la,aan kasii qaadeen dawladii dhan iyagaa haysta waxaii somalainomo lagusoo helayna maso dhaafan iyagana qeylinaya yaaab waar rerka somalinoba haloga baxo thanks.

    Fu'aad Abdalle
    May 8, 2017 at 2:50 pm
    Reply

  5. Mohamed sabiil
    NACASYAHOW hawiye inaad kala celiso yaa kuu xilsaaray adiga gaajo&kulayl ayaad kasoo carartay sidaas ayaadna usoo dhoobateen muqdisho muqdisho way isku filan tahay cidna uma baahna iyadaa loo baahan yahay muqdisho waa caasimad laakin dadbuu ilaahay kubeeray kuwaas ayaa xaq uleh maamulkeeda garoowe majeerteen mawada laha ciise maxamud baa ilaahay kubeeray hargaysa isaaq mawada laha laakin waa caasimada isaaq land laakin sacad muuse ayaa ala kubeeray g/banadir umad ayaa ilaahay kubeeray laakin waa caasimadii somalia

    cubeyd
    May 8, 2017 at 7:25 pm
    Reply

  6. Awalba somali anigaa kaadhigay adigoo midgaha yaman ku abtirsada somali waxaan jaajusnimo&lugooyo ahayn kuguma qabin hadaad kabaxdo somali umadaan wayheshiin lahayd awalba dhabayaco xabashi ayaa laga Kari waayey hayska baxaan who cares

    cubeyd
    May 8, 2017 at 7:31 pm
    Reply

  7. Pingback: XOG+AKHRISO: Siyaasiinta & Waxgaradka Beesha Habargidir oo qaatay go’aan adag, kuna dhawaaqay…. | PuntlandTimes- Wararkii ugu dambeeyey Puntland iyo Somalia

  8. horta kan cubeyd la leeyahay ma nin baa mise waa naag waa garan waayeye, waxaan la yaabanahay war cubeyda sow ma ogid in caqli ay soomaalida kale garan weydey inaan garaney oo nidaam dawladnimo kuu keeney intaas baad xamar kala fadhideene idinkoo xaafad xaafad u kala xir xirtey xamar UNUKAA KAA LEH IYO MAHAAN GOOFKEYNI WAAYE MARKAAS BAA WAXAA KUU YIMID INTA CAQLIGA U SAAXIIBKA ILEYN WAAD GARANEEYSAAYE ALLA YAA RAXMA CABDULLLAAHI YUUSUF AXMED XAFIDULAAH VILLA SOMALIA IDINKOO ISKU DIIDEY RUUXA FARIISTEY WAA ISAGA HAWIYE WUU KU FAA’IIDEY DAWLADNIMADA INA YEY UU KEENAY INEY DHAHAAN BEY AHEYD GOD BLESS INA YEY KKKKKKKKKKK LAAKIIN HAWIYE KAS KAAS MA LAHOO ARYAA DAAROOD AA SOO LAABTEY BEY KU LEEYIHIIN CUBEYDEY WAXA HAWIYE GARAN WAAYEY DAAROOD BAA GARTEY IDINKU INAAD XIN IYO XASAD WADAAN MOOYEE CAQLI KALE MA JIRO DABCIGA IYO AQOONTIINU WAA QARAN DUMIS IYO FAGATO LAAKIIN KAADI BADANE WAA LOO GOGOL BADIYAA HADEYDAN DEYN WAXAA WADAAN CAASIMADA AFTI BAA LOO QAADAYAA BEYDHABO BAAN GEEYNEEYNAA ILEYN EDEB DARADA WAA XAMAR OO CAASIMADA AH SEYDAN U ORAN MEEL KALA LA GEEYEY BEYDHABO BAAN SOOMAALI CAASIMAD UGA DHIGEYNAA SIDII HADA KA HOR KU DHACDEY MAXAMED DHEERE JOWHAR OO CAASIMAD KUMEEL GAAR AH MAXAA U DANBEEYEY BEYDHABO ALLOW YAA JOOGO IDIN DHAHA WAX IDIN YAQAANABA ANAGA JIRNEE HAWIYOOW.

    DUUGEEDA
    May 10, 2017 at 1:05 am
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *