Maamulka Cusub Ee Garoonka Muqdisho Oo 2 Cisho Gudahood Ku Soo Xareeyay $34,000 Oo Canshuur La Xadi Jiray Ah

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

MUQDISHO(P-TIMES)-Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in lacagtii ugu badneyd ka soo xareyso canshuuraha laga qaado Qaadka ka yimaada Kenya ee ka soo dega garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Lacagtan la soo xareeyay muddo labo cisho ayaa ka badan lacagihii markii hore ku xaroon jiray Qasnada dowladda, kadib is bedel lagu sameeyay Maamulka Furdada ee garoonka diyaaadaha Muqdisho.

Maamulka cusub ee Furdada garoonka diyaaradaha Muqdisho oo shaqeynaya muddo labo cisho ay ayaa ku soo uruuriyay lacag dhan $34,000 dollar oo ah canshuurta laga qaado Qaadka.

Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru dowlaha Maaliyadda iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradaas ayaa maanta kormeeray Furdada Garoonka diyaaradaha, iyagoo dhiira geliyay shaqaalaha maamulka furdada garoonka.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) oo warbaahinta kula hadlay xafiiska Furdada ee garoonka Aadan Cadde ayaa yiri “muddo labo cisho ah canshuurta laga qaaday Qaadka soo gaara Muqdisho uu dhammaa in ka badan $130,000 taasoo u dhiganta koror ka badan $34,000 oo u dhiganta $550.000 bishii inaan la ogeyn meeshii ay aadi jirtey. Waxaana muuqata in 30% canshuurtii saxda aheyd in la lunsaday oo aan la ogeyn meel ay ku baxday. Lacagtaas aan sida sharciga ah loo xareyn ayaa looga faa’iideyn karay in mushaar $100 lagu siiyo in ka badan 5000 askar ah.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa sheegay in ay jiri doonto baaris iyo isla xisaabtan dhab ah si loo joojiyo musuqmaasuqa baahsan ee jira.

Mas’uuliyiinta booqatay xafiiska Furdada ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa ammaanay maamulka cusub ee Furdada oo la dagaalay musuqmaasuqa isla markaasna badbaadiyey in ka badan $34,000 muddo labo cisho oo ay maamulka la wareegeen. Waxeyna ku dhiirigeliyeen inay dadaalkooda sii wadaan, dowladdana ay diyaar u tahay inay abaal-mariso shaqaalaha iyo maamulka la dagaala musuqmaasuqa si dalka looga joojiyo musuqmaasuqa jira.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *