SAWIRRO+DAAWO: Amal Bank oo xarun cusub ka furatay magaalada Caabudwaaq ee G Galguduud

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

CAABUDWAAQ(P-TIMES)- Shirkadda in badan bulshada si weyn u saacida ee AMAL BANK ayaa xarun cusub ka furatay magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobalka Galguduud, si bulshada deegaankaas loo gaarsiiyo adeegyada ay u baahan yihiin.

Madaxda Amal Bank ayaa sheegay in ay tanni u tahay maalin kale oo wanaagsan oo ay adeegyo muhiim ah soo gaarsiiyeen Shacabka magaalada Caabudwaaq.

Madaxda Amal Bank waxay sheegeen in ay si wanaagsan ugu adeegi doonan Shacabka, oo ay uga faa’iideyn doonaan adeegyada muhiimka ah ee ay halaan gobalada oo dhan.

Bulshada Caabudwaaq ayaa soo dhaweeyey horumarkan ay soo gaarsiiyey AMAL BANK, waxayna cadeeyeen in ay baahi weyn u qabeen adeegyadan oo ay hadda heleen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *