WAR DEG DEG AH: M/weyne Farmaajo oo si deg deg ah Nairobi ugu diray Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si deg deg ah ugu diray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Afhayeenka baarlamaanka Maxamed Sh Cismaan Jawaari, si uu damiyo mooshin xasaasi ah oo ka dhan ah Xukuumadda RW Kheyre oo laga abaabulayo Nairobi.

Madaxweynaha ayaa u sheegay Afhayeenka baarlamaanka in waqti lasiiyo Xukuumada Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre oo ay waajib tahay in la qaado talaabooyin lagu joojinayo mooshinkan.

Mr, Jawaari ayaa la kulmay xalay Xildhibaano kamid ah baarlamaanka Faderaalka, wuxuu ka codsaday in ay qeyb ka noqdaan dadaalada lagu doonayo in dalka lagu badbaadiyo.

Xildhibaanada uu la shiray wuxuu si cad ugu sheegay in uu soo diray Madaxweynaha Soomaaliya, oo doonaya in xal wada hadal ah lagu dhameeyo arrimaha hadda kacsan oo ay waajib tahay in laga hortago.

In la xisaabtamo, laakiin jaanis ku filan lasiiyo Golaha Xukuumada Faderaalka ayuu codsaday Madaxweynaha dawladda Soomaaliya, laakiin taas ayaan aheyn mid ka soconaysa Mudanayaasha ku shiray magaalada Nairobi.

 

4 Responses to WAR DEG DEG AH: M/weyne Farmaajo oo si deg deg ah Nairobi ugu diray Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya

  1. Horay usocon diidaye, ha israamsato!! Waxay ka soo horjedan horumarka wadanka oo waxay donayan Gabre iyo gumeysi inay Xamar ku soceliyan. Alle wuxu nasiiyey fursan wanaagsan (dowlad wanagsan, kheyr iyo caano) lakin nasiib daro aaway dadkii ka faa’ideysan lahaa, nasiib daranaa ubadka Somaliyeed.

    Cabdiwahab
    May 17, 2017 at 9:05 am
    Reply

  2. Kooxda dip uzocod waxay ka zoo hor jeedan dowlada zii zocota somalina izma ogalo qayr kood waxa maanta ka reebay ficil ay izku qaaban wale hadii aan daacad iyo wada zhaqayn la WaaYo somali dip bey udhacayza lkn dan tooda waa iney gartan manta waata dalalka laga bahdilayo somali waxa ka keen zadeyna waa iyaga dowladi siyad barana qadrin iyo zodhawen baa somali loo hayey mrka somali yey dantiina garta cuquba waalid badii wadadi ladila somaliya hayzate dalka hala quraan saaro

    Suldaan Mukhtaar Yaasiin
    May 17, 2017 at 11:53 am
    Reply

  3. jawaari in laysla xisaabtamo madoonayo mucaaradka koobaad ee dowlada farmajo waa rw kheyre wuxuu kabi la,yahay qaraabo kiil kanaa gabar naga qabo kanaan abti unahay kanaan ka qabnaa hada waxey mareysaa ayeeyadaa muursade matahay dowladiiba waxey noqotay candho wadaag marka inuu baarlamaanka qeyliyo caq bey uleeyihiin hadii uu isa saxo waa lala shaqeyn hadii uu layimaado dayniilaan airpor kadhisaa reer tolkee aan wax uqabaa waa la jirid siibaa saas ha ogaado

    samawade
    May 17, 2017 at 12:43 pm
    Reply

  4. KOOXDDA KU SHIREYSA NAyroobbi waxan u arkaa koox qowleysata ah oo rabtah in ay ka kaluumaystaan mooshino iyo carqaladayn waxay doonayaan
    Lacagihi kaga baxay kuraasidda ay ku fadhiyaan oo ay laaluushka ku bixiyeen in aykasoo ceshadaan waxan u arkaa koox dad qalata ah oo rabbah in ay ka ganacsadaan dhiigga dadka soomaaliyeed waxay doonayaan

    In ay dib ugu celiyaan waa yaddi madoobaa oo lasoomaray waxay u adeegayaan cadow shishaye ah waa in shacbigu is ka celiyaa
    Dadka soomaaliyeed maantay uma baahnna is jiid jiid iyo dad laaluush doonaayah

    Axmed yousuf sheeka xariir
    May 17, 2017 at 3:02 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *