WAR DEG DEG AH: Somaliland oo qaadatay go’aan lama filaan ah oo farxad-galiyey Shacabka Soomaaliyeed

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

HARGEYSA(P-TIMES)- Madaxtooyada Somaliland ayaa joojisay gabi ahaanba xuskii 18 May oo ay xusi jireen sannad kasta maanta oo kale, waxayna ku dhawaaqday Madaxtooyada in lacagtii xuskaas iyo dhaqaale kale oo la aruuriyey loo jeediyey dhanka Abaaraha.

War ka soo baxay Somaliland ayaa lagu cadeeyey in Xoolo loo gadi doono Kumanaan Qoys oo ku ceyroobay Abaarihii baahsanaa ee kudhuftay gudaha Somaliland.

Lacag gaaraysa 100Malyan oo Dollar ayaa la sheegay in lagu bixin doono xooleynta dadkii ceyroobay & Biyo-xireeno waa weyn oo laga hirgalin doono deegaanadaas.

Talaabadaas ayaa noqotay mid ay soo dhaweeyeen dadkii ay saameeyen Abaarihii baahsanaa ee kudhuftay Soomaaliya oo dhan, gaar ahaana gudaha Somaliland.

Maamulka Somaliland waxay sheegeen in ay arrintan tahay isku tashi dhexmaray Ganacsatada dhaqaale-yahanka ah iyo maamulkooda, oo ay talaabadaas qaadayaan.

Soomaaliya oo dhan waxaa ku dhuftay abaaro baahsan, waxayna abaaruhu ceyr ka dhigeen dadkii ahaa Qaniga ee haystay Kumanaan Dollar, laakiin saaka Ceyr iyagoo ah ku sugan magaalooyinka waa weyn banaankooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *