WAR DEG DEG AH: Weerar dhimasho iyo dhaawac sababay oo ay Galmudug ku qaaday Deegaanka Bali-Busle ee Puntland

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

GAALKACYO(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa xaqiijinaya in ay maleeshiyaad ka soo jeeda Galmudug, weerar dhimasho iyo dhaawac sababay ku qaadeen deegaanka BaliBusle ee degmada Jariiban, saqdii dhexe ee xalay, isla markaasna ay gudaha u galeen magaalada.

Inta la xaqiijiyey ilaa hadda 2 qof ayaa geeriyootay, sidaas oo kalena labo qof oo kale ayaa dhaawacantay waxaana jira khasaare kala duwan oo intaas ka badan, laakiin ilaa hadda tiradda tiradda la hayo ayaa intaas ah.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ay dableydan ka soo jeeda dhinaca Galmudug ay saqdii dhexe galeen gudaha magaalada oo ay isku dayeen in ay dab-qabadsiiyaan goobaha adeegga dadweynaha, balse laga hortagay.

Maamulka degmada Jariiban ee gobalka Mudug ayaa sheegay in subaxnimada maanta Jimce May 19, 2017 ay dhacdadan war ka soo saari doonaan, waxayna cambaareeyeen talaabadan.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

3 Responses to WAR DEG DEG AH: Weerar dhimasho iyo dhaawac sababay oo ay Galmudug ku qaaday Deegaanka Bali-Busle ee Puntland

  1. puntland waliged sidas aya sacad uleynayey una cabadayen waxay iska dhicin layihin tugada besha sacad ee cid aay ka’amarqatan aaysan jirin,ila 1989 ila hader oo tarikhdu ku begantahay 2017,dadka tugadu dishay ee ku abtirsada majerten,5000 oo qof wa dhanyihin.

    mohamed sulub
    May 19, 2017 at 12:20 pm
    Reply

  2. KU:Muxammad Sulub.
    Jaalle Sulub la iskama celin waayin Mooryaanta Sacad ee meesha waxaa ku Jira arimo kale oo wada macquula.Tan hore Ilaahay (swt) ma oran iska dila cid aydnaan ku hayn dambi cad oo ay galeen.Tan labaad Reer Puntlaan ma ay jecla in ay Gaalkacyo ka dhacdo dagaalo sokeeye iyo dhimasho macne la’aan ah.Tan saddexaad Mooryaanta dadka laysa lama yaqaan cid looga dacwoodo iyo wax ka masuula.Waayo galmudugta la sheego waa magac kaliya ee ma aha meel uu ka jiro maamul iyo is maqal.Tuugada disha shacabka puntlaan xabaday tuuraan oo ay cagaha wax ka dayaan ama waa (hit and run).Insha Allaah haddase xal baa loo helayaa.

    Atoore
    May 19, 2017 at 2:56 pm
    Reply

  3. Good waad fiican tihiin ee sidaas ku daaya dhagar qabayaasha haddii la helana hala laayo laba dhinacba iyadoo laga shaqaynayso si iskumid ah daacadna ay ka yihiin Sacadka iyadoo la eegaayo nabadda guud iyo xasiiloonida degaanka dhamaan cidwaliba ay dan iyo nolol ugu jirto waa sida islaamka qabo iyo xaladaada boni,aadamnimada ugu dambeyn reer mudugow ama mj ahow ama hg ahow dhibka joojiya oo allahiina ma baqa oo si reer magaalnima ah u noolaada on qabyaaladan ka baxa qarnigii kowaad baad ku jirtaan

    I.keinan
    May 19, 2017 at 9:06 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *