WAR DEG DEG AH: Xildhibaan Xidig oo goor dhaw ku dhawaaqay war xasaasi, daahana ka rogay

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

MUQDISHO(P-TIMES)- Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ay Xildhibaano kamid ah baarlamaanka SOomaaliya u doorteen Gudoomiye kudlad ay sameysteen ayaa kaga dhawaaqay Muqdisho in aysan waxba mucaarad ah ku aheyn dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Mr, Xidig ayaa sheegay in ay Xukuumadda ka mid yihiin oo aysan mucaaradin, balse ay ka shaqeynayaan oo kaliya sixitaanka howlaha dawladda iyo dadaalo ay ugu jiraan sidii meelmar ay uga dhigi lahaayeen qorshaha dawladda.

In lala xisaabtamo Madaxda dawladda Soomaaliya ayuu sheegay in ay tahay arrimaha ay u doorteen Shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in si khaldan looga turjumay oo loo ekeysiiyey in ay ridayaan Xukuumada hadda jirta.

“Anaga qolo mucaarad ma nihin, dowladda ma mucaaradsani, kamana keeneyno mooshin Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha, waxaa isu baheysanay waa in dalka la hormariyo, horayna loo socdo”ayuu yiri C/rashiid Xidig.

C/rashiid Xidig ayaa meesha ka saaray wararka suuqa loo geliyay ee ku saabsan qorshaha loo sameeyay madasha, wuxuuna tilmaamay inay doonayaan in dalka ka gudbo nidaamka 4.5, loona gudbo nidaamka xisbiyada.

“Maadaama dalkan la rabo inuu horusocod, lagana gudbo nidaamka 4.5, waxaa rabnaa inaan noqono xisbi dalkan ka dhisan, xildhibaan kastana waxaa laga rabaa in labo sano kaddib inuu xisbi ka tirsanaado”ayuu yiri Xidig.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay dhowr Xildhibaan oo iyana ku dheeraaday hadafkooda, waxaa ay xuseen in ujeedkooda yahay isla xisaabtan, wixii qaldan ay saxaan, balse aanay sida wararka baraha bulshada loogu sheegayo.

FAAHFAAHINTA DHEERAAD AH RIIX HALKAAN

 

One Response to WAR DEG DEG AH: Xildhibaan Xidig oo goor dhaw ku dhawaaqay war xasaasi, daahana ka rogay

  1. War hadba qolaa kiraysata, beryahan Gabruu u kiraysnaa.

    HALLAGU MUDAAHARAADO, HALLAGA HORTAGO, HALLA CAMBAAREEYO CAADA QAATAYAASHA.

    muxamad yusuf
    May 18, 2017 at 3:29 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *