Xildhibaanadii HORUSOCOD la baxay ee Nairobi oo si deg deg ah Saxaafadda ugu yeeray, kuna dhawaaqaya…

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

NAIROBI(P-TIMES)- Mudanayaal katirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan kuleh magaalada Nairobi, kaas oo ay uga hadli doonaan arrimaha la xariira Siyaasadda dalka iyo sidda looga jawaabay dhismaha daladdooda.

Saxaafadda ayaa dibad joog ka noqon doonta shirkan, balse dhamaadkiisa ayaa lafilayaa in ay lahadlaan oo ay hadda Saxaafaddu joogaan madashan.

Warar hoose ayaa sheegaya in ay shaacin doonaan waxyaabaha keenay dhismaha dalladooda iyo talaabada laga qaaday oo ay jawaab celinta uga heleen Madaxda dawladda Soomaaliya.

Xildhibaanadaas ayaa ku dhawaaqay go’aan ah in ay dib u saxayaan khaladaad ay gashay Xukuumada Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre oo ay horusocod yihiin, laakiin jawaab celin adag ayay la kulmeen oo ay heleen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *